Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Daahir Aweys
Monday - June 4, 2012
Somaliland iyo Wadamada Geeska Afrika oo Khatar ugu jira Dagaalyahanada Al-shabaab ee ka soo Firxanaya Somaliya Muqdisho oo ay Madaafiicdii is-Macasalaameeyeen iyo ciidamada Huwanta ah oo Baafinaya deegaaamada ay Al-shabaab ku hadhay Muqdisho(Waaheen)-Inta badan Goboladda Somaliya ee koonfurta iyo Badhtamaha ayaa laga sifeeyay xogaaga Al-shabaab ee dagaalka kula jiray dawlada, kuwaasoo lagu soo waramayo inay ku sii hadheen deegaano kooban oo kaliya, hase ahaatee lagala wareegay meelihii ay awooda ugu badan ku lahaayeen ee dalkaasi. Guulaha laga Gaadhay Ururka Al-shabaab ee lagagala wareegay deegaamadii ay ka talin jireen ayaa ka dambeeyay hawl-galo isdaba joog ahaa oo lagu waajahay Fadhiisimadii ururkaasi, hawl-galadaasoo ahaa weeraro wajiyo badan kaga yimi oo ay ku qaadeen Ciidamada Huwanta ah ee DKM, kuwa Amisom iyo maleeshiyaadka Urur diineedka Ehlu suna wal-jameeca, kuwaasoo ilaa hada ku sii siqaya meelaha ay al-shabaab ku sii sugantahay. Hawl-galada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab hadii ay sidaasi ku sii socdaan waxa muuqata in dhawaan laga faraxalanayo Dagaaladii ay mudada dheer kula jireen Ciidamada Dawlada taageersan ee Ajaanibka ah iyo kuwa Muxaliga ahba, taasoo guul wax ku ool ah u noqoqnaysa shacbiga somaliyeed ee 21-kii sanadood ee la soo dhaafay weheshanayay Dagaaladia Ehliga iyo aragtiyaha siyaasadeed ku salaysnaa ee dalkaasi ka jiray. Hadiise sida wax u socdaan ay habacsanaan kale soo waajahdo, waxa iman karta guul daro dambe oo ku dhacda xogaaga hawl-galka ka wada somaliya iyo ciidamada DKM , kuwaasoo dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay gaadhay guulo wax ku oola, balse aanay wali fari ka qodnayn shaqadii loogu talo galay inay fuliyaan oo ah inay nabad iyo kala dambeyn waarta ku soo celiyaan gobolada Somaliya 21 sandood ka dib. Goboladda intoodii badnayd laga qabsaday Ururka al-shabaab waxa ka mida Gobolka Banaadir, Geddo, Sh/ dhexe, Bay, Bakool , jubbadda hoose iyo meelo kale oo ka mida Goboladda koonfurta, kuwaasoo qaarkood ay iskaga carareen Xoogaga al-shabaab ka dib markii lagu ekeeyay awood ciidan oo ka itaal roon, waxaanay door bideen inay iskaga baxaan Meel kasta oo loogu yimaado, isla markaana ka baxsadaan khasaare dagaal oo ciidan kaga dhinto. Ka sakow Baxsashada Ururka Al-shabaab, waxa soo baxday in Askartoodii ay hada bilaabeen inay isu soo dhiibaan Ciidamada Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya, kuwaasoo ay shalay u soo galeen rag ka tirsanaa dagaalyahanada Ururka al-shabaab oo wata Qoryihii ay ku dagaalamayeen iyo Gaadiid Dagaal. Sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Aadan Xersi Rufle, kaasoo cadeeyay in dagaalyahanada ka soo goostay Al-shabaab oo gaadhaya ilaa shan nin oo watay qoro gacmeedyo iyo gaadhi Cabdi Bile ah oo uu saaran yahay qori weyn oo dhasiike ah, gacantooda ku jiraan. Raggaas ka soo goostay Al-shabaab waxay ka soo baxeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose waxay soo mareen meelo badan sida Diinsoor, iyo meel u dhexeysa Buur dhuubo iyo Baardhere Garbaharey ayey yimaadeen ka dibna Belad xaawo ayaa loo gudbiyey ayuu yidhi Aadan Xersi Rufle. Dhinaca kale gaashaan-buurta dagaalka kula jirta xarakada alshabaab waxay u hanqal taagayaan sidii ay u qabsan lahaayeen Magaalada kismaayo oo hada xudun u ah Awooda Ciidan iyo Istaraatiijiyadeed dagaal ee Alshabaab Hadda fadhi nooma yaal, waxaanu ku wajahan-nahay Xagar, Jilib, Buaale, Buulo-xaaji illaa Kismaayo intaan halkaas ka gaadheyno howlgalka waa soconayaa,sidaasi waxa yidhi Hogaamiyaha maleeshiyada Raaskaabooni oo ka mida kooxaha ka barbar dagaalamaya Ciidamada DKM iyo AMISOM Sheekh Axmed Madoobe . Lama saadaalin karo mustaqbalka Dagaalka ka dhanka Al-shabaab halka uu ku dambeyn doono, waxaanse muran ka joogin in si buuxda loo wiiqay Tamartii ururkaasi ee gudaha somaliya, wallow ay meelo badan wali ka sii talinayaan, Waxaana soo baxaya suaal la is-waydiinayo oo ah meesha ay u baxsan doonaan Askarta al-shaabab hadii laga qabsado meelaha gacantooda wali baaqiga ku sii ah. Suaashan oo isweydiinteedu soo baxday usbuucyadii ugu dambeeyay ayaanay jirin cid si fudud uga jawaabi kartaa, waxaase aad loo malo awaalayaa inay jiraan deegaamo badan oo ay kooxdaasi ku baxsan karto, kuwaasoo qaarkood ku yaalaan gudaha Somaliya, qaarna ka baxsan yihiin, sida Puntland oo iminkaba meelo ka mida Gobolka Bari lagu ogyahay inay joogaan xoogag awood badan leh oo taabacsan Al-shabaab. Dhinaca kale Somaliland ayaa la fili karaa inay Firxadka Alshabaab u soo cararaan, taasoo xuduud mushkilado badan la leh Somaliya, isla markaana si joogto ah ay isaga gooshaan dadka Somalidu goboladeed iyo kuwa koonfurta ee ay hada alshaabab ka yaacayso, inkasta oo ay jiraan ciidamo u tababaran sugida amniga iyo ka hortaga dadka ay jidhkooda ka muuqato Jabhadnimadu ee dalka soo gelaya , kuwaasoo dhawr jeer oo hore fashilay isku dayo badan oo nabad gelyada dalka lidi ku ahaa. Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland iyo guud ahaanba wadamada Gobolka ee xuduuda ay wadaagaan Somaliya ayaa xiligan u muuqda kuwa halis u ah inay nafta kula soo gabadaan dagaalyahanada Al-shabaab, waxaana waajib ku ah inay foojignaan dheeraad ah ka muujiyaan sidii ay shacbigooda uga badbaadin lahaayeen dhibaatada ka soo buaysa firxadka Ururkii Al-shabaab ee Muqdisho Madaafiicda ku garaaci jiray madaxtooyada oo hada la baafinayo meelaha ay kaga hadheen Somaliya, kuwaasoo hadii aan laga gaashaaman falal naf la caaridnimo ku jirto dalalkaasi ka fulin kara.
Maqaalo Articles
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Dhacdo Xili Dheer Ka Soo Wareegtay Oo Mudan In La Xasuusto .. Gabadhi Nabsiga Guratay Ee Taariikhda Reer Yurub Gashay Ee Lagu Toogtay Fagaaraha Roma Kadib Markii .....
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story
Akhbaari Zamanki Hore .. Nabi Ayuub Iyo Ducadiisi: Eebow Dhibtii Way i Taabatay Adiguna Waxaad Tahay Rabbi Naxariistaa
Full Story
Jaceyl Iyo Lacagta Keebaa Awood Badan .. Gabar U Dhalay Billionaire Biil Gates Oo Caashaqday Wiil Musllim Ah
Full Story