Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shirki Istanbul Ee Somalida Loo Qabtay Oo Guul Ku Dhamaaday Iyo Somaliland Oo ....

Saturday - June 2, 2012

Sida aan ka warqabno, waxa Arbacadii hore la soo gaba gabeeyey shirkii Istanbul ee odayda dhaqanka Somalida iyo ka rayid ah ee ay hormuudka u ahaayeen madax dhaqameedyada iyo madaxda ururrada rayidka ah. Maantana waxa la soo gunaanaday laba shir oo is daba joog ahaa lana qabtay 31kii May iyo 01 Jun, 2012ka.

Shirkan oo lagaga hadlayey Siyaasadda iyo dhaqaalaha Somaliya ayaa waxa ka soo qayb galay dawlado kor u dhaafay 40 iyo ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin UN, IGAD, URURKA CARABTA, EU, COMMON WEALTH IWM. Dhammaantoodna waxa ay danaynayeen ujeeddada shirka oo ahayd sidii wax loola qaban lahaa Somaliya, hadday tahay dhinaca siyaasadda iyo dib u dhiska amma horumarinta dalka.

Dhinaca Somalida waxa ka socday Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Somaliya, Sh. Sharif Sh. Ahmed, Ra’iisal wasaarihiisa Abdiweli iyo afhayeenka golihiisa baarlamanka Sharif  Hasan. Sidoo kale waxa iyana ka soo qayb galay xubno ka socday maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Somaliland oo ay saddexdaasiba si siman isku ag fadhiyey.

Madaxda hadalka shirka iska lahaa, oo kala ahaa Madaxweynaha Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Madaxda Turkey iyo xoghayaha Jamciyadda quruumaha ayaa intuba si weyn waxa ay uga hadleen xaaladda ammaan iyo horumar ee ay maanta Somaliya marayso, waxana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin sidii ay uga bixi lahaayeen ku meel gaarka, ee ay u ansixin lahaayeen distoorka qabyada ah.

Sidoo kale waxa ay beesha caalamka ka codsadeen in loo soo jeesto dib u dhiska dalka iyo ciidammada ammaanka ee qaranka. Dawladda Turkigana waxa ay ku ammaaneen hawlaha dib u dhis ee uu dalka Somaliya ka wado.

laakin dhinaca somaliland ayaa warar xog ogaali ahi sheegayaan in markii la ogaaday siyaasiyiinta somaliland in ay wataan sheeko ka duwan shirka waxa ka socda wayaa laga horjoogsaday shirkii, waxana la wargeliyey in ay laba mid soo galaan:

1.In ay shirka labada casho ah ee isugu jira siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha ay ka wada qayb galaan.
2.Iyo in aanay shirka ka qayb gelin.
Kaddibna waxa ay go’aansadeen in ay labada shirba ka qayb galaan. Waxase la siiyey fursad uu wasiirka arrimaha dibaddu uu kulankii ka dhex akhriyo warqad ay ugu tala galeen shirka. Hase yeeshee, waxa laga diiday in codsigoodii dhaqaale-doon loo tixgeliyo, waxana lagu wargeliyey in wafdi loo soo diri doono Hargeysa.

Wararka ka imanaya dadkii ka qayb galay shirkaasi, waxa uu intaa ku darayaa in xubno matilayey hay’ado ka socday civil society-ga,  oo reer Awdal ahaa in si fiican loo qaabilay, warqadahoodii iyo warbixinihii la socdayna laga qabtay.

Sidoo kale waxa iyana shirka ka soo qayb galay Khaatumo, oo xunbo ka mid ahi ay madashii ka hadleen, waxana ay aad ugu cawdeen in aan dalkooda wax horumar ah laga qaban. Waxana ay soo ban dhigeen mashaariic muhiim u ah nolosha gobollada ay ka yimaaddeen.

Xigasho:Awdalpress.com