Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Mudane C/Qaadir Axmed Kamtiirey Oo Loo Magacaabay Xil Muhim Ah

Wednesday - May 30, 2012

Mogadisho: War aan ka soo xiganay xafiiska wasiirka arimaha Dibada ee Somaaliya Mudane Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegaya in mudane C/qaadir Kamtiirey kadib markii la xogsaday inu ku suntan-yahay leadarship-nimo, hawlkarnimo oo waliba ku darsaday wadaninimo loo magacaabay agaasimaha guud ee xafiiska jaaliyadaha ku sugan dibadaha ee ku abtirsada Qoomiyada Somalida

Warqada lagu magacaabay Mr.C/qaadir ee ka soo bxday wasaarada ayaa ku xusan tilmaano casharo ah iyo waajibaad la farayo agaasimaha inu dibu eegis ku sameeyo ugana hawl galo si caqli salim leh jaaliyadahaas dibada ku laalan oo wada dhashay ee haddana muddo dabka la kala dhex dhigay oo dabadeed dhaxalsiisay iney si wada jira u raadsan- waayaan wax-yaabaha kaga maqan ummadaha iyo dawladaha ay ku dhex noolyihiin, balse amuuro gaar ah inta badan loo wada xagaf-xagafeystay 

Agaasime C/Qaadir Waxaa wasiirkiisa qoraal ahaan ku faray inu qodobada barnaamijkaan hoos ku xusan ku hawlgalo oo si dhaqso ah uga ajiibo keeno:

1- Qodobka midnimada kumunitiga jaaliyadaha waa kan ugu muhimsan uguna dhibka badan .. waxay u baahantahay in la soo jiido qaybaha kala duwan ee jaaliyada ee mid waliba siyaasad go'an wato amase ku taxan

2- in dhamaan la tirakoobo xajmiga shakhsiyaadka miisaanka culus iyo aqoonta ku leh masraxa siyaasada meelkasta oo ay qaaradaha ka joogaan lana soo gudbiyo magacyadooda iyo aqoonta waayo-aragnimo ay leeyihiin ee looga faaiideysan-karo

3- Gobolkasta waa in laga abuuro gole hogaan oo ku xiraan hogaanka agaasimahaa jaaliyada arimaha dibada

4- In goob kasta oo ay joogaan jaaliyada laga abuuro guddi ka kooban aqoon-yahano iyo xirfadyahano ka soo jeeda jaaliyada, iyagana sido kale la soo gudbiyo magacyadooda iyo aqoonta waayo aragnimo leeyihiin.

5-in qaab kasta iyo habkey-doontaba iyo sidi suuragal ah loo hawl galo sidi xoogaga ku saqiiray mafrashyada qaadka Yurub iyo qololka la ciiraya nokotinka sigaarka lagu baraarujiyo iney ka waantoobaan xaalada ay is ku xukumeen ee asaag ka harka ah.