Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shabakada Saadaasha " Fewsnet" Oo Ka Si Digtay Abaaro Iyo Hoos U Dhac Roob

Friday - April 6, 2012

Addis Ababa: Sida ay sheegtay Shabakadda Ka sii Digista Abaarta ee loo yaqaan Fewsnet, waxaa qiyaasti caadiga aheyd hoos uga dhacaya roobabka xiligan ee Bariga Afrika, taasoo keeni karta qatar ku timaadda dammaanadda cunto ee gobolka.

Warbixin ay ku soo bandhigtay boggeeda, Fewestnet waxey sheegtay in roobabki ka di'i jiray March illaa May dalalka Itoobiya, Soomaaliya, iyo Kenya la filayo inay dib uga dhacaan xiligi ay billaaban jireen, islamarkaana ay noqdaan 60 boqolkiiba illaa 85 boqolkiiba qiyaasta.

Qiyaasta roobabka gobolka ayaa marki hore ahayd inta u dhaxeysa 75 boqolkiiba illaa 105 boqolkiiba, waa sida ku caddeyd saadaashi hore ee soo baxday bishi February.

Gobolka Geeska Afrika ayey taabatay abaar iyo macluul sanadki tagay, taasoo saameysay inkabadan 13 milyan oo qof.

"Tani aad ayey uga sii dareysaa marki la garabdhigo qiimeynta saadaashi hore oo waxey saameyn aad ah ku yeelaneysaa tacabka miraha, daaqi dib u soo baxayey, iyo illihi biyaha ee markale buuxsamayey," ayaa lagu yiri warbixinta Fewestnet .

Sida warbixintu tilmaantay, hoos u dhaca roobka waxey micnaheedu tahay in tirada dadka ay taabaneyso dammaanad-darada cuntada iyo xanuunka xaaladda ay suurogal tahay inay sare u kacdo.

Guud ahaan Geeska Afrika, waxaa aad loogu xisaabtamayey xili roobaadka sanadkan, maadaama Deyrti dhaweyd aan la helin roobab ku filan gobolka. Sidaasi darteed, waxaa loo baahan doonaa in diiradda la saaro la socodka xaaladda dadka si looga hortago in masiibadi sanadki hore oo kale ay ka dhacdo gobolka.