Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sabool U Miranjiray Xadida Digaaga Iyo Furashada Gambada Dumarka Oo U Cararaaya Inu Noqdo Madaxweyne

Thursday - March 15, 2012

Qaahira: Shacabka reer Masar oo beryahaan dambe aan baryada alle yareysan indhahooda sidi raadaarka cirka eegaya iyagoo leh ilaahay waxuu qoray waa sidu ugu tala galay, waxaan markaan dooneynaa Nin hogaanka dalka u qabta oo dib u soo nooleeya haybadi caalamka lagu lahaa iyo xasiloonidi Masar ay ku naaloon-jirtay, laakiin shacabki Masar ayaa mar-qura dhoosha cadeeyey argagax iyo walaa-xawla kulan siiyey markay TV-ga dhawaan ka daawadeen Nin caan ku ahaa tuuganimada oo tusbax wardi rogaya uu ordaaya jagada madaxweyne-nimo oo leh; hilaac igu baxay awgii, waxaan cod ka raadinaya shacbka Masar oo sheegay iney liibani-doonaan haddi ay doortaan .. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Raashid ayaa si xamaasad leh u sheegay in ay soo dhamaatay beenti masuullinti la lahaa waa idiin hormood oo ay noqdeen kadaro dibi dhal iyo ciiradi la isku qarin jiray oo shaqeyn la' oo ay haboontahay maanta in xilka madaxtinimada Masar loo dhiibo Nin gudankara  isaguna shakhsi ahaan u kaga haboonyahay kuwa talada kursiga isku haysta ee mici-dhiiglayaasha hororka ah, waxuu kalo afka intaa ka raaciyey oo yiri kuwa akhwaanka muuqaal islaam bey umadda ku dhex joogaan ee meel ay dadka iyo umada u wadaan ma jirto, umana hawlgali-doonaan warshado iyo beero midna., waxuu dhinaca kale ka sheegay in iyagana kuwa xisbiyada liberal-ka  ay dalka qas iyo buuq galin-doonaan.

Al- Murashax Maxamed Raashid oo raba qof waliba inu qanciyo ayaa hadaladiisa ku qirtay inu ahaan jiray tuug markii laga daba qayliyo qoobka roga oo waqtiga yare laaday, hasa ahaate aan la dafiri-karin inu toobad keenay oo xag alle u soo noqday, isla markaana yiri wixii hanti aan lahaa waxaan ku wareejiyey khasnada guud ee shacabka, waxuuna carbaabay inu xoolaha inta badan markeedi hore u ka sameeyey xadida Digaaga iyo dhaca guryaha dadka xoolaleyda, hasa ahaate waxuu warkiisa raaciyey oo yiri aniga waaba toobad keenaye waxaase iga daran kuwa maalin-walba qalinka ku xada maal aduun shacabku leeyahay oo si public ah aan xishood ku jirin qaali iska dhigaya oo yiraahda cilmi iyo aqoon baan wax ku maquunineynaa ku soconaya gawaari raaxo leh iyo qusuur ay ku dakeyaan, waa kuwa qaranka ceebeeyey,walaxna reebeyn waa qiiso aduune iyo kuwa aan toobad keeneyn oo waliba raba iyagoo bakhti iyo xaaraan cunaaya haddana daalibaaya in saas lagu doorto oo intaan la isu imaan faan dadka ku rogaaya ayuu hadalkiisi ku soo daray

Mudane Al- Musharax  Maxamed Raashid oo markaan neynaas loogu magacdaray " Tuugi Toobada Keenay" ayaa doodisa ku sheegay in barnaamijyada u kaga hawlgalaayo tartanka doorshada ay ka mid yihiin sidi xoolaleyda hantida ay haystaan si xaqa loogu kaalmeeyo masruufka masaakiinta iyo fuqarada aan waxba haysan, qodobadaas oo u yiri  waxay ku fadhiyaan dib u soo celin sharafti iyo karaamadi ay Masar ku dhex lahayd dunida.

Mr. Maxamed Raashid mar la weydiiyey inu haysto tiro 60 kun cod oo u ku gali karo sharaxaada madaxweyne, waxuu yiri abkay tuug iyo mooryaan ee ku sugan dalka ayaa u diyaara iney codkooda isoo gaarsiyaan. .. markale oo la weydiiyey halka u iminka ka helo quudkiisa maalmeedka ayuu kaga jawaabay adeer naftu orod bey kugu aamintaa aqal libaaxna lafo lagama waayo waxaan qoray ayuu yiri buug laga baran-karo qaladki shalay iyo hawlihi taariikheed ee tuuganimada iyo sida looga hortagi-karo oo inta badan aan ka helo xisaab daboosha baahideyda maalmeed ayuu yiri Raashid.

Sida ay xaqiijiyeen gudiga sare ee doorashada Masar ayaa sheegay in tartanka doorashada madaxweyne ay illa iyo hadda araajigooda laga qabtay 660 musharax, laakiin la filaayo in tirada ay intaas ka yaraato markii lagu sameeyo kala shaandheyn xaga shuruudaha iyo codadka ay wataan.

Waxaa dhinaca kale la saadalinaya in doorshada kama dambeysta ay isgu soo hari-doonaan labada musharax ee la kala yiraahdo Camar Muusa oo horay mar uga tirsanaan-jiray maamulki Xusni Mubaarak hasa ahaate mar dambe iska foogeeyey, iyo digtoor Abu Fatuux oo in badan xabsi ku jiri jiray, isla markaana ka mid ahaa Xisbiga Akhawaan Musllimiinta, hasa ahaate marku yiri waa is sharaxaya amar la'aan xaga xisbiga ayaa gabi ahaanba laga saaray xubinimadi xisbiga oo waxaa la filaya ineysan taageeri-doonin .. waxaa afka loo badinaya in Camar Muusa u ku guuleysto tartanka madaxweyne ee dalka Masar.