Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere Oo Shaaciyey Magaca Ninki Fuliyey Qaraxi Ka Dhacay Irida M/tooyada

Thursday - March 15, 2012

Mogadisho: Afhayeenka Al- Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in ruuxa fuliyay qaraxaas uu u aar-gudayay Kitaabka Alle oo la xumeeyay, meelo iyo waxaan munaasib ahayn loo isticmaalay sida uu hadalka u dhigay.

" Camaliyada waxaa uu waafajiyay walaalka mujaahidka ee magaciisa la yiraahdo Xasan C/qaadir Cabdi oo Muxsin loo yaqaanay, wuxuu naftiisa ku qanciyay in aduunka uusan joogin, iyadoo Kitaabka Alle la xumeynayo, si uu ugu aaro- oo uu naftiisa ku bixiyo"ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa sheegay in godkoodii ay ugu tageen cadawga oo uu ula jeeday Madaxtooyada, waxaana uu sheegay in aanay marnaba joojin doonin weerarada.

" Mujaahidiinta inta tabartooda ma gaabin doonaan meel kasta inay idinku soo galaan oo ay idinku qarxiyaan"ayuu sii raaciyay Cali Dheere.

Shalay duhurkii ayay ahayd markii wiil dhalinyaro ah oo ku xirnaa walaxaha qarxa uu isku qarxiyay meel maqaaxi ah oo ku dhoweyd irida hore ee Madaxtooyada, iyadoo qaraxaas ay ku dhinteen ilaa shan ruux, halka 11-kalena ay ku dhaawacmeen.