Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

War Naxdin Leh..Tahribayaal Somaali Oo Laga Helay Xabsi Ku Yaal Dhul Hoostiisa Mudo 18 Sano Kadib

Wednesday - March 14, 2012

Tahribayaal Somaali oo u safray dalkaas Yeman 18 sano ka hor tiradooduna lagu qiyaasay 185 Qof oo isugu jira Dumar iyo Ragba ayna ehelkoodi axmadeen kadib marki la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen ayaa xalay laga helay xabsi ku yaala dhulka hoostiisa ee cariga yeman.

Somaalidaani ayaa la sheegay in godkaasi xabsiga ah ay ku jireen 18 sano oo aysan marnaba arag meel cadceedu jirto .. dadkaani godka dhulka hoostiisa ku xirnaa 18sano ayaa la sheegaya in dhamaantood aragi ka lumay oo indha beeleen.

Warkaan oo aan ka xiganay Borama news oo maanta la xariiray safaarada Somaalida ee dalkaas Yeman ayaa si buuxda ugu xaqiijiyey warsidahaas in xaalkaan naxdin iyo afkala-qaad ku noqday somalidi ku nooleeyd dalkaasi Yeman.

Safaarada Somali ee Yeman iyo hay'adaha Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga oo ku mashquulsan arintaani naxdinta leh ee ku dhacday dalkaas Yeman, waxaa xusid mudan markii xafiiska Borama news la hadlay qof ka mida dadka ku mashquulsan arintaasi uu oohin xajisan kari-waayey .. Isha ku haya wixi arintaan ku soo kordha