Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

C/Raxmaan Faroole Oo Hindisaya Daba Furfurka Dastuurka P/L Si U Kororsado Xilka U Hayo Iyo .....

Tuesday - March 13, 2012

Garowe: Madaxweyne Faroole ayaa ku adkeysanaya in mudada xilka aysan ahayn afarta sano ee ku qoran distuurka, balse maamulka goloyaashiisa u yhay mudo ku siman 5 sano.

Cabdiraxmaan ayaa intaas raaciyey in dadku ay sidaa u ogaadaan oo aan muran la gelin isaga oo xiganaya is-badel uu sheegay in xukuumadii isaga ka horaysay ee Cadde Muuse ay ku samaysay dastuurka, laakiin xubin ka mid ah mucaaradka maamulka Faroole ayaa sheegay in xilliga xukuumadu uu yahay afar (4) sano, ayna tahay in doorashooyinka la qabto 8-da bisha Janaayo, 2013.

Waxaa arintaas ay ka careysiisay kooxo siyaasiyiin ah oo u ka mid yahay ex Xildhibaan Maxamed Yusuf Axmed oo hore uga tirsanaa baarlamaanka Puntland oo sheegay in dawlada hadda jirta xilligeedu uu yahay afar sano, haddii la yiraahdo waa shan sanana ay tahay khiyaano aan la qaadan karin.

Dhinaca kale waxaa iyadana hadal iyo buuq ka taaganyahay inta badan shacabka degaanada  Puntland oo dadka ugu baaqaya iney ka fiirsadaan muranka iyo khiyaamooyinka u maleegaayo Faroole ee u rabo in shacabka ku marin-habaabiyo.

Waxaa kalo jira dareen dhiilo xambaarsan oo ka soo yeeraya dhinacyo badan oo ka mid ah mucaaradka Faroole oo bilaabay olole siyaasadeed oo ay isugu diyaarinayaan doorashooyinka golayaasha dawlada oo ay leeyihiin waa in la qabtaa bisha Janaayo, 2013.

Waxaa ay intaas ku dareen in wixii ka dambeeya bisha December, 2012 golayaasha dawlada xilligoodu dhici doono, sharci ahaanna aanay ahayn dawlad rasmi ah, loona baahan yahay doorashooyin madax bannaan.

Arrintani waxaa ay horseed u noqon kartaa khilaaf dastuuri ah, haddii aan xal laga gaarin ka hor dhammaadka sannadkan, waxaan ka dhalan kara khilaaf siyaasadeed oo la mid ah kii 2000-kii ee Cabdillaahi Yuusuf iyo Jaamac C. Jaamac.