Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Hogaamiyaasha Muslimiinta Kenya Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Qaraxyadi Nairobi

Tuesday - March 13, 2012

Nairobi: hogaamiyaasha muslimiinta ayaa canbaareyey qaraxyadii habenadii la soo dhaafay ka dhacey magaalada Nairobi ee wadanka kenya kaasoo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac

Hogaamiyaa muslimiinta Shiikh Juma ayaa canbaareyey qaraxyadaa isla markana waxaa uu ku tilaamey mid ka soo horjeda waxyaalaha u inafareyo diintena suuban ee islaamka oo ah diin nabagalyo.

Wadaadadan ayaa dhanka kale oo ugu baaqdey dawlada iney maalgaliso rakibaada kamarooyinka ilaalada loo yaqaano CCTV si looga hortago dhacdooyinka noocan oo kale.

Wadaadeadan ayaa dhinaca kale waxay ugu baaqeen dhalinyarada la dhacson fikirada al-shabaab in ay ka soo horjeedo in la bartilmaansado dad rayid ah oo aan waxba galabsan

Culimada ayaa ku celceliyey in qaraxyadaan lagu waxa yeelaayo umada muslimiinta ee aan waxaba galabsan sidoo kalena ugu yeeray wacyi galin in lagu sameyo dhalinyarada fikirka qaldan laga dhaadhiciyey