Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Shiikh Maxamed Cali Al-Camuudi Oo Noqday Shakhsiga Ugu Taajirsan Dadka Madow

Monday - March 12, 2012

Addis Ababa- Ganacsadaha ay iska-dhaleen Sacuudi-yaanka iyo Itoobiyaanka ee ku dhashay Itoobiya, Sheekh Maxamed Cali Al-Amoudi, ayaa noqday shaqsiga ugu taajirsan guud ahaan dadka madow ee ku nool aduunka oo dhan.

Sida ku cad warbixinta sanad-laha ah ee Forbes, Al-Amoudi ayaa hantidiisa lagu qiyaasay $12.5 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, wuxuunna booskan ka riixday taajirka reer Nigeria, Aliko Dangote, oo ay hantiisu tahay $11.2 bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Al-Amoudi, 67 jir, wuxuu guud ahaan liiska taajiriinta aduunka ka galay kaalinta 61-aad. Sheekha ayaa haatan dalka Itoobiya ka wada maalgashi ballaaran, wuxuunna galiyey in kabadan $2 bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Al-Amoudi ayaa isu-diyaarinaya in lacag dheeraad ah oo gaareysa $3 bilyan oo dollarka Mareykanka ah uu shanta sano ee soo socda galiyo dhinacyada beeraha, soo saaridda shamiintada, birta iyo gaadiidka.

Sheekh Al-Amoudi ayaa hanti badan gashtay dalalka Itoobiya, Morocco iyo Sweden, waxeyna hantidan marki hore ka soo gashay qandaraasyo waaweyn oo uu ka qaadan jiray qoyska boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Guud ahaan aduunka ayaa waxaa wali ugu taajirsan Carlos Slim Helu oo u dhashay dalka Mexico, kaasoo hantidiisu tahay $69 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, waxaanna soo raaca Bil Gates oo u dhashay dalka Mareykanka oo ay hantidiisu tahay $61 bilyan oo dollarka Mareykan ah, Warren Buffett oo isna u dhashay dalka Mareykan oo ay hantidiisu tahay $44 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, iyo taajiriin kale oo u kala dhashay dalal kala duwan.

Shanta qof ee ugu taajirsan dadka madow ayaa kala ah:

1. Sheekh Maxamed Cali Al-Amoudi ($12.5 bilyan), Sacuudiyaan/Itoobiyaan

2. Aliko Dangote ($11.2 bilyan), Nigerian

3. Mike Adenuga ($4.3 bilyan), Nigerian

4. Oprah Winfrey ($2.7 bilyan), Mareykan

5. Patrice Motsepe ($2.7 bilyan), Koonfur Afrikaan