Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Itoobiyan Electric Oo Korontadeeda U Soo Dhoofineysa Somaliland Iyo Jabuutiba

Sunday - March 11, 2012

Dawladda Itoobiya ayaa daboolka ka qaaday inay Somaliland noqon doonto dalka wakhtigan ka faa’iidaysan doona heshiisyada dhoofinta layrka Itoobiya, waxaanay sheegtay inay Somaliland dhawaan layrkaas isticmaali doonto.

Bogga ay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya toddobaadkiiba ku falanqayso siyaasadda gobalka Geeska Afrika, ayaa waxa ay shalay ku soo qaadatay mawduucan, waxaanay sheegtay inay hay’adda Korontada Ethiopia ee EEPCO ay sheegtay inay Somaliland noqon doonto dalka ku xiga dalalkii hore loogu dhoofiyay korontada Itoobiya ee ka faa’iidaysan doona layrkan sida Jabuuti.

Wasaaradda khaarajiga Itoobiya waxay sheegtay inay hay’adda Korontada Itoobiya qorshaysay inay dabayso magaalada Wajaale ee dhinaca Somaliland oo ah magaalo ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay sheegtay in wakhtigan la joogaba la bilaabay hawshii rakibisita laymanka dabka qaadaya, "Hawshiis rakibistan laymanka dabka gudbinayaa way ka bilaabantay deegaankaas." Ayay tiri wasaarada Itoobiya, waxaanay sheegtay in Wajaale ka dib la qorsheeyay in dabka loo soo gudbiyo dhinaca Hargeysa. Waxa ay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya intaas raacisay in la gaaray heshiis, balse loo baahanyahay in arrimaha qaar la isla sii lafo-guro.

Laakiin Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ma cadayn in cidda hawsha soo dhoofinta layrka Itoobiya wadaa tahay Somaliland iyo inay tahay cid kale. Laakiin waxa la aaminsanyahay inay mashruucan iska leeyihiin qaar ka mid ah ganacstada Somaliland.