Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Shisheeye Oo Riixaya In dawlada Somaliya Iyo Somaliland Wada hadal dhex Maro

Saturday - March 10, 2012

Sida meelo badan laga xaqiijiyey dawlada isku sheegay iney daneynayaan arimaha somaliya ayaa inta badan orod ugu jira sidi ay wada hadili-lahaayeen labadaas dhinac, sida muuqatana walwal badan ayaa ka jira dhinac konfurta oo shacbku leeyihiin ma muuqato dawlad aqoon iyo waayo-aragnimo leh oo waajihi-karta waxa ay doonayaan maamulka siilaanyo oo la tuhunsanyahay iney aqoon iyo garaadnimo kaga sareeyaan maamulka sharif oo haba yaraate wax ay ka ogyihiin aysan jirin wada hadal la furo oo noocaan oo kale ah.

Madaxweyne Shariif ayaa ku dhawaaqay in gudi u saari-doono wada hadalka lala yeelan-doono maamulka somaliland, waxaana la daninaya inusan xulkaas ku saleyndoonin rag wax yaqaana oo aqoono u lahaan-kara ka hortaga sheekooyinka ay la imaan-doonaan reer somali-land, balse waxaa la tuhunsanyahay inu shiikhu soo xuli-doono wax cantara baqash ah oo ku saleeysan qabiil iyo rag u ugu daneynaayo in safaro ku tagaan meelaha lagu shiri-doono ee ka baxsan somaaliya.

Madaxweyne Axmed Silaanyo oo isagu caan ku ahaa gorgotanka heshisyada caalamiga xiligi dawladi maxamed Siyaad waxaa la daninaya inu afka u ridan-doono heshisyada u la galaayo somaaliya, oo halkaas midnimadi somaliya si dadban u kala jarmato.

Somaliland oo u soo baxday sawir in aan marna qaabka ay ku socotay lagu ictiraafeyn waxay markaan door bideysa in si xeeledeysan ay uga faaideysato maamulka sharifyada aan ku baaluqsaneyn siyaasadaha iyo heshiisyada la galo, waxayna rabta iney qaab konfadetreetishin ay xaalkeeda ku dhameysato, taaso micneheedu yahay guud ahaan somaliland oo aan waxa shaqo ku lahayn jamhuuriyada somaliya aan ka ahayn isticmaalka lacgta iyo difaaca guud ee xuduudayada qaranka haddi la soo weeraro iyo arimaha dibada oo iadana sheer lagu noqonaayo ..