Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Mudaharaadyadi Taagersanaa Khaatumo State Oo Weli Ka Soconaya Magalada Lascanood Iyo Nawaaxigeeda

Friday - March 9, 2012

Laascaanood – Shalay illaa maanta waxa magaalada Laascaanood iyo magaaloooyin kale oo gobolladaasi ku yaalba  ka socda bannaan baxyo lagu taageerayo maamulka la baxay Khaatumo State of Somaliya, oo dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Taleex.

Maamul goboleedkan oo usbuucan Sh.Sharif ka iyo dawladdiisu ay caddeeyeen in uu sharci yahay, isla markaana uu qayb ka yahay maamulka Ku Meel Gaarka ah ee Somaliya, ayaa nabar ku ah maamulka Somaliland oo isna u dagaallamaya sidii uu gacanta ugu sii hayn lahaa magaalada Laascaanood oo ku sii haray maamulka Somaliland.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa maamulka Hargeysa farihiisa ka sii baxaya magaalada Laascaanood. Oo ay maalmahanba ka socdaan xiisado kacsan oo lagu diiddan yahay maamulka Somaliland. Dadka suuqyada isugu soo baxayaana waxa ay dalbanayaan in dalkoodii ka xoroobay Somaliland, loona baahan yahay ciidanka Somaliland uu dalkooda uga baxo si nabad gelyo ah, inta aan dagaal ka dhex qarxin shacabka reer Khaatumo iyo Somaliland.