Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Shidaal Baaristi Dooxda Daroor Ee P/land Oo Lagu Guuleystay Iyo Siyaad Bare Oo Horay U Yiri.......

Thursday - March 8, 2012

Daroor-Puntland: Dooxada Daroor ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland oo muddo bil ka badan shirkad ajaanabi ah oo Magaceedu yahay Horn Petroleum Corporation ka waday shidaal baaris ayaa waxa soo baxday in lagu guulaystay.

Shirkadda Horn Petroleum Corporation oo ah shirkad laga leeyahay dalka Kanada isla-markaana maamulka Puntland heshiis kula gashay inay shidaal ka baarto dooxada Daroor ee gobolka Bari ayaa waxa ay ceelal badan ka qoday dooxadaasi, balse ceelkii ugu dambeeyay oo ay ula baxday Shabeele 1 oo ay qoday 1600 Mitir ayaa waxa ay cadaysay inay shidaalkii gaareen, inkasta oo wali qodida ceelkaasi socoto.

War qoraal ah oo shirkadda shidaalka baaraysa ee Horn Petroleum Corporation ay ku baahisay Website-keeda ayaa waxa ay ku faahfaahisay halka hawsha baarista shidaalku u marayso, waxayna xustay inay ku jiraan xaqiijinta inta shidaalka halkaasi ku jiraa dhan yahay, kana hor-dhacayn tijaabooyin ay ku xaqiijinayaan shidaalkaasi iyo inta uu dhan yahayba "Inta badan qaybtan (ceelka) wuxuu muujiyey Saliid iyo Gaas, laakiin inta xogta iyo tijaabadu socoto shirkadu qeexi mayso " ayaa lagu yiri qoraalka shirkadu soo saartay

Madaxa shirkada Horn Petroleum David Grellman ayaa isaguna sheegay inay wali ururinayaan xogta ku saabsan shidaalkan ay heleen, ilaa inta ay hubinayaana aanay ku dhiirinayn inay natiijada ku dhawaaqaan, isaga oo intaas ku daray inay rajaynayaan inay gaaraan guud ahaan ujeedadii baarista shidaalka ka hor inta aanay natiijada ku dhawaaqin, isaga oo xukuumadda Faroole iyo dadka deegaanka Dharoor uga mahad-celiyey taageeradooda.

Helida shidaalka Puntland ayaa noqonaya mid guul ah isla-markaana muujinaya dedaalka xukuumadda Madaxwayne Faroole u gashay sidii shidaalkaasi loo soo saari lahaa.

Mashruucaan baarista shidaalka ee ka socota mandiqadaas Bari ayaa dadka qaarkiis xasuusineysa war u horay tusaale ahaan ku sheegay allaha ha u naxariiste Maxamed Siyaad Barre oo u ku yiri: wax waliba maalin bey leeyihiin .. Ninka iga dambeeyow xasuus qalinka ku adkee .. haddaad tihiin umadda Bari wax la'aanta muddo gaaban ayaad ku si jireysaan balse Mar aduunyada waa la maqlin iyadoo la leeyahay war xagee u socota? oo jawaabtu tahay Bari baan u socdaa iyo xagee ka timi? oo la leeyahay Bari baan ka imi .. waa arki-doontaan ayuu yiri dalkaan oo ay u soo shaqo tagaan Gaalo, Yahuud, Hunuud iyo Musllim ka kala yimi daafha caalamka.