Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Somaliland Waa ganacsi Kolba Ka madax u ahi U Shito Sidi Makhaayad

Wednesday - March 7, 2012

Somaliland wax jira maaha waana shirkad ganacsi oo kolba qof u raran.

March 7, 2012By staff-reporter

Waxa mahad iska leh Ilaaha inna abuuray, mar labaadna waxa aan salaamayaa ummadda Somaliyeed ee jecel wada jirka iyo midnimada Somaliyeed.

Intaa kaddib, doodda maanta ay awdalpress innoo soo ban dhigtay waa mid loo baahan yahay in ay iftiimiso runta biyo kama dhibcaanka ah ee jirta. Mana aha in been iyo ruwaayad la isku maaweeliyo, oo shacabka maalinba been run looga dhigo. Tusaale ahaan, maalintii dhaweyd ee la isugu yimid shirkii London, waxa ay dawlad ku sheegga Siilaanyo sheegatay in ay shirkii ka dhex hadleen, oo ay ka dhex jeediyeen qudbad dheer oo siyaasaddooda ka warramaysa.

Dadkii la qaldi jirayna waa run ayey wada yidhaahdeen. Xataa haddii ay qaar waa been odhanayaan wax bay ahaan lahayd. Taasi waxa ay kuu caddaynaysaa in ay kuwa Somalilandda u waalanayaa been kuwa nool yihiin. Dadka hawl-wadeennada amma madaxda ka ahina ay xariif ku yihiin sida shacabka kolba wax looga iibiyo. Somalilanduna waa ganacsi kolba ka madaxda u ihi uu shito sidii makhaayadda. Marka ay dawladnimo Somaliyeed hagaagtana waa mid la iska laabi doono. Waana mid immiga soo dhawaatay wakhtigii la laabayey.

An u soo noqdee, waxan ogahay oo aan sida wadkayga u hubaa, in Siilaanyo iyo Jaqafyadiisu shirka Somalida meel walba ugu tegayaan, oo weliba ay cid walba uga orod badinayaan, waayo lacago ayaa loo ballan qaaday oo taasi ayey dani ugu jirtaa, waxbana kama gelin gooni isku taag iyo shuqulladaasi. Barrina waxa aad arki doontaa iyaga oo is dhinac fadhiya Khaatumo iyo Awdal State iyaga oo wada qoslaya ayaanad TVyada ka daawan doontaa, haddii aad been iga moodayso.

Haddaba, dadka beenta lagu seexiyo sidii carruurta, ee ay balwadda u noqotay Ictiraaf ayaan helaynaa. Ayaa dhawaan runta soo taaban doona. Qabiil iyo shuqul kale oo meesha yaallaana ma jirto. Habar Habar ayaana dhawaan loo kala bixi doonaa. Waxanad maqli Gar’dag State, Odweyne State, Hargeysa State iyo wax la mid ah.

Kani hurda ee nacayb Daarood iyo wax aan loo baahnayn ka sheekaynayaana waa na’iif aan war iyo wacaal midna hayn, waar Daarood waa ayo, miyaanay walaaleheen ahayn haddii aan Gadabuursi nahay, miyeynaan isku gobol ahayn, oo aynaan is dhalin. Isaaq miyeyna is dhalin, oo aanay walaalo ahayn. Ma Somali aan walaalo ahayn ayaa jirta. Mise nasiib darradan innagu dhacday ayaad moodday in ay abada tahay, oo aan la isku soo noqonayn. Waar taasi way sii dhammaanaysaa Somaliyina way isku soo noqon doonaan. Daaroodna waa kuwa ku xishmeeya ku qaddariya, ee yaqaanna sharafta iyo karaamada aad leedahay.

Gaashaan.

Comments are closed.