Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maxuu Salka Ku Haya Khilaafka Cusub Ee Mahiga Iyo Madaxweyne Shiikh Shariif

Wednesday - March 7, 2012

Muqdisho:-(RT)  Mahiga ayaa mudo bila ah ku jahwareersanaa la qabsiga siyaasada Soomaaliya oo is badbadal badan uu xiligaasi ka jiray hase ahaatee Mahiga ayaa mudo kadib la qabsaday xaaladda oo waxa uu guda galay kala rog roga siyaasada Soomaaliya, isagoo ku guulaystay dhowr arimood oo dadaal badan uu kaga baxay.

Mudo yar kadib ayaa Mahiga caqabadii ugu horeysay ka qabsatay Soomaaliya kadib markii Madaxweyne Shariif uu Ra’iisul wasaare u magacaabay nin ay is fahmi waayeen kaasi oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo, waxaana waxyaabaha ugu wayn oo ay isku qabteen ka mid ahaa in Mahiga uu u dhaqmo sida danjire iyo in isaga oo arintaasi iskala weynaa sida uu dhawaan sheegay Farmajo.

Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in isaga oo adeegsanaya Mas’uuliyiin sare oo xiligaasi dabeesha isxijisay in Caalamka uu ka dhaadhiciyay in Farmajo uusan istaahil in dowladda KMG Soomaaliya uu kasii mid ahaado taasi oo u sahashay in uu si fududu ukala qariyo Ra’iisul wasaaraha iyo shacabkii u heelanaa.

Waxii intaasi ka dambeeyay ayaa Mahiga waxa uu noqday nin awoodiisa safiirnimo ay gaartay heer u qalanta in uu dalka Maamulo, iyadoo Madaxda dowladda uu dhowr jeer oo hore meel isugu geeyay si wadada la marayo uu ugu ifiyo.

Khilaafyo badan oo dowladda soo maray intii uu safiirka soo ahaa hadba miisaanka ayaa u dhacayey dhinicii uu la hayo balse Mahiga oo waraysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay khilaafaadka Soomaalida in uu isaga shidaal u yahay.

Dhawaan ayaa Ergeyga QM ee Soomaaliya waxa uu eedayn u jeediyay ninkii ay siyaasad ahaan iska soo horjeedeen ee Farmaajo, isagoo ku tilmaamay in cidaya uu ku raadinayo sidii siyaasada dalka uu dib ugu soo laaban lahaa taasi oo dad badan ay u fasirteen in malaha sidii Farmaajo uu horay uga saaray siyaasada hadana uu u doonayo in uu kaga horistaago dib usoo laabashadiisa.

Ra’iisul wasaarihii hore oo arintaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay Mas’uuliyad xumo iyo isticmaalka awood xad dhaaf ah oo Mahiga uusan xaq u lahayn.

Feysal Cabdi Rooble oo ah aqoonyahaan ka faalooda arimaha geeska Afrika ayaa waxa uu sheegay in Mahiga uu socodkiisa ka dheereeyay hadana uu si adag ugu dheeraaday dhexgalka siyaasada Soomaaliya.

Mahiga ayaa mar kale todobaadkaani waraysi uu siiyay Shabakadda Somaliareport ee ka faaloota arimaha Soomaaliya waxa uu ku sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay afgambiyeen Koox xagjir ah oo lagu tilmaami karo Shabaab aan hubeysneen, isagoo dhinaca kale sheegay in dhawaan uu soo dhisayo barlaman cusub.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo arintaasi ay si gaar ah u saameyneysay ayaa Su’aal Wariye ka tirsan Idaacadda Kulmiye uu weydiiyay waxa uu ku gaabsaday in Mahiga hada uu qaawan yahay oo ay maradii ka furatay.

Khilaafka soo kala dhexgalay dhinacyo muda dheer hal dhinac u jaanqaadayey ayaa dhinaca kale isku soo dhaweeyay dhinacyo Soomaaliyeed oo si qilaafsanaa.

Madoobe Noonoow Max’ed oo ah Gudoomiyaha barlamanka oo xilibaanada qaar ay doorteen ayaa taageeray jawaabta uu bixiyay Madaxweynaha dowladda KMG kaasi oo uu sheegay Nuunoow in uu fahmay dhaqanka Mahiga.

Sababaha khilaafkaani soo shaacbixiyay ayaa waxaa loo arkaa dhowr arimooda waa tan horee dowladda oo kasii baxeysa baahidii gaar ahaaneed oo ay Mahiga u qabtay kadib markii wax xoogaa hormar dhinaca Milatariga ay sameysay tan labaad waxaa lagu tilmaami karaa dhinacyada Soomaaliyeed oo marka laga reebo Shabaab oo isku soo dhawaaday iyo tan sadaxaad oo ah dowladda KMG Somaaliya oo xiriiro la sameysay Ururo iyo dalal Caalami ah oo aan sidaasi Mahiga looga aqoonsaneen kana qeyb gashay shirar dhinacyadaasi ay igu yeereen iyadoo Mahiga aan loo marin.

Khilaafka hada jiro ayaa hadii la xaliyo waxaa yareeneyso isfaham sanaantii awal jirtay iyo hogaan adkaantii Mahiga hadii aan la xalina waxa ay u badnaan doontaa in Mahiga uu dib ugu laaban doono dalkiisa Tansania.