Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wiilka Socodka Tamashle LaTiictiica Mr. Butin Oo Talaabadu Ku Macaashay Guusha Lagu Tilmaamay Ceeb

Tuesday - March 6, 2012

Moskow: Doorashadii Ka dhacday wadanka Ruushka maalintii Axadii aan soo dhaafnay ayaa waxaa si rasmiya ugu guulaystay Raysal Wasaarihii Wadankaas Vladamir Butin,

Natiijadii ka soo baxday Xarunta dhexe ee laga maamulayay doorashada ayaa ku dhawaaqay in Mr. Butin uu si rasmiya ugu guulaystay Jagada Madaxweynaha wadanka Ruushka.

Natiijadii laga soo saaray Xarunta dhexena waxay ahayd sidan:

Vladamir Butin : 63,60% ... Genadi Suganov: 17,18% ... Makha’il Brokhorof:7,98% ... Vladamir Shirinovisk:6,22% ... Cergey Mironov: 3,85%

Sidaasna waxaa Doorashada ku guulaystay Vladamir Butin oo ka sharaxnaa Xisbiga talada wadanka haya ee Ruushka Midoobay,

Vladamir Butin ayaa mudo dheer ka soo talinayay Wadanka Ruushka, isagoo 2 jeer oo hore ku soo guulaystay Jagada Madaxweynenimo, ka dib markii u xilku ka dhamaadayna waxaa uu ku guulaystay jagada Raysal Wasaaraha oo u qabtay 2008 kii. Madaxweyne-na waxaa loo doortay Dmitry Medvedeev, oo laga yaabo inuu hada isna u wareego Jagada Raysal wasaarenimo ee uu ka Dagayo Vladamir Butin.

Dhanka kale mucaaridka wadanka ee doorashada lagaga adkaaday ayaa intooda badani u Hambalyeeyeen guusha uu gaaray Butin, laakin waxaa kasoo horjeestay qaar ka mida Xisbiyada Mucaaridka iyagoo ilaa shalay abaabulayay banan baxyo waaweyn oo ka dhacay dal-jirka amase Taalada loo yaqaano Bushkin, halkaas oo ka dib ay iska hor yimaadyo ku dhexmareen Booliska iyo dadkii Banaan baxayay ee ka soo hor jeeday Guusha uu gaaray Vladamir Butin. Waxa la arkaayay iyadoo Boolisku dad badan ay xabsiyada u taxaabeen, iyagoo isku daayay inay kala eryaan dadka banan baxayay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa dhici kara in doorashadan ay ka soo bixi karaan cabashooyin badan iyadoo laga yaabo inay banaan baxayaashu ay sii wadaan cabashadooda ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Doorashada oo ay ku tilmaameen mid ceeb iyo dhagar ah oo cadaalda ka fog .