Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xaflad Jawi Faraxd leh Oo Ay Soo Camireen Wasiir John Baird Iyo Diplomat Cumar M. Calixaashi

Sunday - March 4, 2012

Ottawa: Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada, John Baird iyo gaar ahaan aqoonyahanada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Ottawa, taaso ujeedado ahayd in dhaqaale loogu aruuriyo hay'adaha takhaatiirta aan xaduuda lahayn MSF

Xafladaas oo si baratakol sare muddo looga shaqeynaayey ayaa halkaas isugu yimid wajiyaal niyad-samaan iyo yidilo badani ka muuqato ayaa goobti shirka camiray .. xaalad kasta oo naftaadu ku jirto muuqaalka gobta xaflada ku geyneysi jawi faraxd leh .. dadka xaflada ka soo qayb galay oo asal ahaan kala dal iyo kala dhaqan ahaa ayaa ahaa dad wdaagay afkaar iyo iyo araa ku sal leh u hiilinta iyo daba-qabateynta dadka dunida ku tabaaleysan.

Xaflada inti istaqaanay waxay isku muujiyeen hilow iyo boholyow badan, hasa ahaate inti aan aragti isku lahayna waxay isku qaabilayeen waji furnaan iyo laab fiyoobi

Xafalada waxaa marki hore furay Cabdulqaadir Khaliif Cabdi oo ka tirsan Booliiska magaalada Ottawa, waxaana ugu horeynti halkaas ka jeediyey hadalo mahadnaq ah u ku soo dhaweeyey wixi wax ka soo qamqaabiyey xafladaan iyo siiba inta ka soo qaybgashay oo ah jaaliyada iyo dipolomaasiyiinta kanada.

Cabduqaadi oo loo yaqaano Abdul ayaa yiri "Macluusha (Famine) iyo dhibaatooyinka kale ee maanta ka taagan Soomaaliya ayaa igu kalifay inaan abaabulo kulankaan dhaqaalaha loogu aruurinayo dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada, John Baird oo isaguna hadal jeediyay ayaa wuxuu sheegay in dowladda Canada ay mar walba garab taagan tahay kaalmeynta ummadda Soomaaliyeed. Isagoo xusay in shacabka iyo dowladda Canada ay ku kaalmeeyeen abaarihii ka dhacay dalka Soomaaliya dhaqaale gaaraya $145 Million oo Dollar.

Mr. Baird Wuxuu kaloo sheegay inuu ka qaybgalay shirkii Soomaalida ee lagu qabtay London, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Canada diyaarka ugu tahay inay kaalin firfircoon ka qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Waxuu kalo wasiirka khudbadiisa ku xusay in Nin Canadian ah oo uu sheegay inuu si xaqdarro ah ugu xiran yahay dalka Itoobiya, isagoo xusay in dowladdiisu ay dadaal u galayso sidii xabsiga looga sii-dayn lahaa.

Dhinaca kale, waxaa xafladda hadal xiiso badan halkaas oo quluubta dadki ruxday ka jeediyay, Dipolomat Cumar Maxamed Calixaashi oo ku hadlay magaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa isagoo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Canada.

Cumar wuxuu u mahadceliyay dadka iyo dowladda Canada sidii isaga iyo kumanaan kale oo Soomaali ah ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda markii ay dagaalka sokeeye ka qarxeen dalka Soomaaliya, isagoo markaas 10-jir ahaa. Wuxuuna ku booriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee uu leeyahay dalka Canada gaar ahaan waxbarashada oo uu ku tilmaamay tan kaliya ee lagu hanan karo horumar dhinac kasta ah.

Munsabadda oo ay si wadajir ah u daadihinayeen xildhibaan Pierre Poilievre oo ah mudane laga soo doorto xaafadda Nepean-Carleton ee magaalada Ottawa iyo Cst. Cabdulqaadir Khaliif Cabdi ayaa waxaa lagu aruuriyey dhaqaale gaarayo $30,000 (Soddon kun doollar). Qayb ka mid ah lacagtaan (15%) ay waxaa loogu deeqay dugsi laga dhisayo bur-saalax oo Soomaaliya ku taalla, iyadoo dhismaha dugsigaas uu hormuud ka yahay Maxamuud Climi oo isna ka tirsan booliska magaalada Ottawa.