Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalka Kanada John Baird Oo Ka Qayb Galay Xaflad Lacag Aruurin Lagu ....

Sunday - March 4, 2012

Ottawa: Xaflad si wanaagsan loo agaasimayWasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada, John Baird ayaa kala qayb-galay jaaiyadda Soomaaliyeed ee ku nool Ottawa xaflad dhaqaale loogu aruurinayey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee loo yaqaano MSF maalintii Khamiista ee bishan ay kowda ahayd.

Kulankaas oo si heer sare ah loosoo agaasimaya ayaa waxaa soo abaabulay Cabdulqaadir Khaliif Cabdi oo ka tirsan Booliiska magaalada Ottawa, waxaana kasoo qayb-galay xubno ka tirsan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Ottawa, Toronto, Montreal iyo marti sharaf kale oo ku sugan magaaladan Ottawa.

Ugu horreyntii waxaa halkaas ka hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay, Cabdulqaadir oo u mahadnaqay dadkii xafladda kasoo qaybgalay iyo kuwii lasoo qaban-qaabiyay xafladda.

"Macluusha (Famine) iyo dhibaatooyinka kale ee maanta ka taagan Soomaaliya ayaa igu kalifay inaan abaabulo kulankaan dhaqaalaha loogu aruurinayo dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya," ayuu yiri Cst. Cabdulqaadir oo loo yaqaano (Abdul) mar ay Hiiraan Online weydiisay sababaha ku kalifay inuu qabto xafladdaan. Cst. Abdull wuxuu intaa ku daray inuu sii wadi doono mashruucan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada, John Baird oo isaguna hadal jeediyay ayaa wuxuu sheegay in dowladda Canada ay mar walba garab taagan tahay kaalmeynta ummadda Soomaaliyeed. Isagoo xusay in shacabka iyo dowladda Canada ay ku kaalmeeyeen abaarihii ka dhacay dalka Soomaaliya dhaqaale gaaraya $145 Million oo Dollar.

Mr. Baird Wuxuu kaloo sheegay inuu ka qaybgalay shirkii Soomaalida ee lagu qabtay London, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Canada diyaarka ugu tahay inay kaalin firfircoon ka qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.



Wasiirka ayaa sidoo kale sheegya inay dowladdiisu ay Soomaaliya geyn doonto cutub ka tirsan booliiska Uganda oo ay ku taageerayaan qalabka iyo dhaqaalahaba si ay uga howl-galaan magaalada Muqdisho una tababaraan booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ka hadlay Bashiir Maqtal oo ah ruux Soomaali-Canadian ah oo uu sheegay inuu si xaqdarro ah ugu xiran yahay dalka Itoobiya, isagoo xusay in dowladdiisu ay dadaal u galayso sidii xabsiga looga sii-dayn lahaa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada, John Bird ayaa ah mudane laga soo doorto galbeedka xaafadda Nepean ee magaalada Ottawa, halkaasoo hoy u ah Soomaali badan.

Dhinaca kale, waxaa xafladda hadal xiiso badan ka jeediyay, Cumar Maxamed Calixaashi oo ku hadlay magaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa isagoo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Canada. Cumar wuxuu u mahadceliyay dadka iyo dowladda Canada sidii isaga iyo kumanaan kale oo Soomaali ah ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda markii ay dagaalka sokeeye ka qarxeen dalka Soomaaliya, isagoo markaas 10-jir ahaa. Wuxuuna ku booriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee uu leeyahay dalka Canada gaar ahaan waxbarashada oo uu ku tilmaamay tan kaliya ee lagu hanan karo horumar dhinac kasta ah.

Munsabadda oo ay si wadajir ah u daadihinayeen xildhibaan Pierre Poilievre oo ah mudane laga soo doorto xaafadda Nepean-Carleton ee magaalada Ottawa iyo Cst. Cabdulqaadir Khaliif Cabdi ayaa waxaa lagu aruuriyey dhaqaale gaarayo $30,000 (Soddon kun doollar). Qayb ka mid ah lacagtaan (15%) ay waxaa loogu deeqay dugsi laga dhisayo bur-saalax oo Soomaaliya ku taalla, iyadoo dhismaha dugsigaas uu hormuud ka yahay Maxamuud Climi oo isna ka tirsan booliska magaalada Ottawa.