Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

NATO Oo Ku Hungooday Ulajeedadi khamaarka Ay Ku Kala Wareejisay Qadaafi Iyo Kooxihi Ka Horyimi

Saturday - March 3, 2012

hogaamiyaasha cul-culus ee islaamiyiinta libiya oo gurubna ka maqneyn ayaa maalinti jimcaha shirweyne ku qabsaday magaalada Triboli halkaaso wada jir lagu dhaabay go'aamo in dhamaan kooxaha kala duwan ee ka jira carigaas libiya kuna abtirsada magaca islaamiyiinta ay ku midoobaan hal xisbi oo ay uga qayb galaan doorashada baarlamaanka dhaceysa bisha June 2012

Shirkaan oo la sheegay inu yahay kii ugu horeeyey ee noocaan lagu dhigo dalka liibiya gudihiisa ila iyo inti u ka baxay meesha kali-taliyihi hore Macamar Qadaafi, waxaa la saadalinaya in islaamiyiinta is bahaysatay ay ku guuleysan-doonaan tirada baarlamaanka oo iyagu saameyn ku yeelan-doonaan dajinta dastuurka u dalka ku shaqeyn-doono waxayna ku socdaan halkii iyo talaabadi ay ku guuleysteen islaamiyiinti Masar,Tuunis iyo dalka Moroko..

Ninka reer galbeedka shakiga ka qabaan fartana ku godan Shiikha jihaadka ku cireystay xabsiga Guwantinaamo oo biyihi water boarding hafintooda lagu soo rafaadiyey waa Belxaajee oo isagu waxuu soo gurguurtaba maanta ka mida masuulinta golaha majliska wadaniga ee ku meel gaarka Liibiya oo isla markaa shirkaas islaamiyiinta gudoonkiisa madax ka ahaa ayaa daboolka ka qaaday in xisbiga cusub maqaamka dhismihiisa sacab lagu soo dhaweeyey hasa ahaate weli magac looma bixin isla markaana aan loo magacabin xubnihi hogaamiyaashiisa taaso ujeedadu tahay in dadka qabanaya talada xisbiga loo talo badsado .. shirka oo u ka hadlay shiikh Bilxaaj ayaa goobta shirka ka cadeeyey in iminka wadaanti lagu tuuray ceelka, biyihiina wey soo qaaday darkii lagu shubi-lahaana waa lala dultaaganyahay oo si aan leexleexad lahayn lagu hogaamin-doono sharciga maamuuska wanaagsan leh ee islaamka oo aysan jirin wax kale oo laysku maaweeliyo.. waxuu intaa si raacshay in dadka islaamka liibiya diintooda ayaa sharci u ah oo aan la aqbaleyn quraan dhurwaa si kale loo micneeyey .. waxaa reeban ayuu yiri wax kasta oo fikir ah oo diinta iyo dhaqanka meel kaga dhacaya, waxaa kalo laalan ayuu yiri nin dariiqa toosan ee alle haysta oo si mutuxan farta loogu godo, waxaa codsi ah ayuu yiri in aan lagu dagdagin sidi lugta nalo ku walaaqi-lahaa ama la duro shirkaan u islaamku isku bahaysanaayo.

Reer galbeedka iyo farsamadiisi oo dhaq-dhaqaaqa islaamiyiinta waayahaanba si gaara ula socday oo la sheegay inu dibino weli daadinaayo si meesha ay uga dhacaan dagaalo sokeye ayaa hadda khamaarki u ciyaaray iyo shaandheynti ay ku kala wareejiyeen Qadaafi iyo shacabki ku kacay uma muuqan rajo xagooda oo ka so socota dibna candhuuftoodi u si liqaya markay hubaal ku ogaadeen in islaamiyinta liibiya u horkacayo shiikh Bilxaaj oo sidi baar firatay oo aan bareer biyo is marin cidna ka gabaneyn ay taladi dalka ku si marooqsanayaan .. sorry waa lagu khaldamay ayuu yiri nin u hadlay reer NATO oo ka murageysan geedi socodka jihaadistaha dadki liibiya xag xag-jirnimo u istaarmay.