Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

doonista goitaanka Somaliland ma ku gaari karta hab dhaqanka siyaasadeed ee maanta

Saturday - March 3, 2012

Sida aan la wada soconnana waxa saxaafadda Somaliland, siyaasiyiin iyo qurba joog u ololeeya gooni isu taagga Somaliland, ay maratoon dheer ugu jiraan run ka dhigista ficil kasta oo madaxda Somaliland faraha la gasho….Laakiin kama fekeraan mana arkaan xaalka ka jira gudaha Somaliland ee ay dad badani maanta kaga soo horjeedaan. Kuna dhawaaqeen gooni isku taag ka dhan ah Somaliland.

Dhawaan waxa soo kala bixi doona siyaasado badan oo aad u kala duwan, oo ku gadaaman guud ahaanba saamayn weyn ku leh gobolka geeska iyo dunidaba, kuwaasi oo ka dhashay masaaciga siyaasadeed ee dhawaan caalamku isugu yimaaddeen magaalada London. Waxana rajo badan iyo shaki badan labadaba laga kala muujiyey mustaqbalka Somaliya iyo Somaliland. Gobollada ay Somaliya u kala baxdayna waxa ka soo burqanaya siyaasado kala wada jeeda, oo aan midina mid la nooc ahayn.

Dhinaca Somaliland oo ay fartu ku godan tahayna waxa xilligan siigada isku qasaya siyaasiyiinta xukuumadda Somaliland oo geed dheer iyo ku gaabanba u fuulay, sidii ay dadka qalbigooda u hanan lahaayeen, inta aanay gaadhin xaqiiqada siyaasadeed ee ku soo wajahan Somaliland. Oo ruug cadda badani shaki ka qabo.

Sida aan la wada soconnana waxa saxaafadda Somaliland iyo qurba joog u ololeeya gooni isu taagga Somaliland, ay maratoon dheer ugu jiraan run ka dhigista ficil kasta oo madaxda Somaliland faraha la gasho. Waxana ugu dambeysey shirkii Somalida ee wafdiga Ahmed Siilaanyo ka qayb galay, oo aad looga hadlay in uu shirka ka hadlay iyo in aanu ka hadal. Waxana ay wasaaradda khaarajiga iyo shacabka garabka midig ee Somalilandba ay aad u buun buuniyeen in Ahmed Siilaanyo guul ka soo hooyey shirkii, oo uu ka hadlay shirkii.

Arrintan oo illaa iyo immiga murankeedii taagan yahay, ayaa waxa caddaatay in aanu muran ka taagnayn, in Ahmed Siilaanyo aanu ka dhex hadlin shirka ay 50ka dawladood isugu yimaaddeen, laakiin uu 5ta daqiiqo ka hadlay shir hoosaad loo qabtay Somalida oo ka dhacay meel ka baxsan madashii shirweynaha , markaana aanay joogin madaxdii waaweyneyd ee shirka ka hadleysey, shirkaa dambena waxa ka wada hadlay dhammaan madaxdii gobolladii shirka ka qayb gashay. Laakiin warsaxaafadeedkii arrintaa ku saabsanaa ee ay dawladda Somaliland sii deysey waxa uu u dhignaa in Madaxweyne Ahmed Siilaanyo uu 50kii dawladood ee madasha shirka isugu yimid uu kala hadlay.

Iyana waxa mooshin aad looga hadlo noqotay go’aankii shirka qodobkiisii 6aad ( lixaad) oo ku saabsanaa wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, oo aan isna si cad loo qeexin. Balse la is weydiin karo in ay Somaliland wada hadalka ka bilaabi doonto, gobollada immiga sheegtay in ay ka go’een iyo in ay Puntland, Galmudug, Ehlu Sunna amma TFGda Sheekh Shariif ay la xaali doonto. Laakiin siyaasiyiin reer Somaliland ah ayaa iyagu qaba in aanay shirka iyo wada xaajoodka qodobkani ahayn mid immiga yaalla miiska. Ee ay iman doonto marka la helo dawlad ay shacabku soo doorteen oo awood leh.

Marka aad la sheekaysato dadka Somaliland ka soo horjeeda ee Somaliweyn aamminsanna waxa ay si kajan leh kuugu sheegayaan in aanay ruyada Somaliland weligeed rumoobayn, maamulka Somalilandna uu yahay mid jeebkiisa u shaqaysanaya ee ay xaqiiqada og yihiin. Somaliyana ay muddo dhaw isu iman doonto.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa muuqata in aan weli la is gaadhin, oo ay siyaasadda Somaliya immiga uun bilow noqotay, waxana aan ka dhur sugaynaa shirarka dambe ee Somalida loogu qabanayo Turkey, Djabouti iyo Muqdisha. Shirarkaasi oo ka ugu soo horreeyaa uu dhici doono bisha Jun ee sannadka 2012. Waxana isugu iman doonta gobolladii shirkii London ka soo qayb galay oo ay Somaliland ku jirto iyo gobollo kale oo ay ka mid yihiin Khaatumo iyo Awdal State.

Ta su’aal la iska weydiin karaana waa ajandaha shirarkaasi waxa uu yahay iyo Somaliland waxa uga talo ah. Una malayn maayo in ay Somaliland mar walba shirarka ay gasho ka been sheegi doonto.

Muhimadda shirarkanina waxa uu illaa immiga tibaaxayaa in uu yahay sidii Somaliya looga caawin lahaa is faham iyo wada jir ay ku dhistaan, si ay u soo celiyaan kala dambayntii iyo maamulkii midaysnaa ee Somaliya.

Awdalpress.com