Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxdi Ku Shaqeysay Kibir Wixi Qabsaday La Aragyey Maxuuse Ku Dambeyn Bashar Asad .. By Maxamadeyn

Saturday - March 3, 2012

Saddaam waa la daldalay, Qadaafi waa la dilay, Xusni Mubaarak xabsiga ayaa la dhigay, Bin Cali wuu baxsaday, Cali Cabdalla Saalix khasab ayuu xukunka ku wareejiyay, kee buu noqon doona Bashaar?

Sidaas buu noqon doona aayatiinka qof kasta oo xaqa ka leexda kuna amar ku taagleeya xukunka,kana leexda sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama, khaatumadiisana wuxuu qofka noocaas oo kale ah ku dhammaysanaya khaatumo xumo,Allaha khaatumadeena ma xumeeye, madax ku sheegyadaasi aan soo tilmaanay waxay la soo baxeen kibir iyo jees jees, dumarkooduna wey u carbiyeen kibirkaasi iyo jees jeeskaas,waliba waxay dadka tuseen in ay ku jeesjeesayaan qowlka Allah iyo qowlka rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama oo dumarka ku amray in ay is xijaabaan, waxaa taasi ka sii darnayd in dhammaantooda ay u carbisteen wiilashooda sidii ay u beddali lahaayeen marka ay xukunka ka tagaan oo ay geeriyoodaan.

-14kii jannaayo sannadkii 2011 markii reer Tuunis ay bannaan baxayeen soona gaareen caasimadda Tuunis, waxay keentay in bin Cali uu u cararo dalka Sucuudiya,dawladda la wareegtayna Tuunis kuma dhaca in ay Sucuudiya ku tiraahdo noo soo celiya bin Cali aan maxkamadeyne,maxaa yeelay Tuunis waa dal gaajo ah waxayna Sucuudiya ka doonaysaa kaalmo dhaqaale, waana kan ra’iisul wasaarihii Tuunis oo booqday Sucuudiya,malaayiin dollar ahna loo ballan qaaday, wuuna weydiin waayay ama soo hadal qaadi waayay sheekada bin Cali,afkii baa juuqda gabay baa ku dhacday.

Sannad ayaa ka soo wareegtay markii la tuuray bin Cali,laakiinse weli noloshii ma deggana jahawareer siyaasadeed ayaa dhashay,dhibaatooyin dhaqaale, mid bulsho mid shaqo la’aanba wey ka jirtaa,mana sahalsana in shacab 23 sannadood uu cadaadiis ku haayay bin Cali ay hal mar xasillooni hesho.

-Bishii jannaayo 25keedii ee sannadkan waxaa ka soo wareegtay sannadguuradii kowaad markii ay shacabka Masar ku dhawaaqeen kacaankooda, waxayna taasi keenatay in 10/02/2011 uu ku xigeenkii Xusni Mubaara uu shacabka u sheego in Xusni Mubaarak uu jagadii ka degay,waxaana ku xigay in xabsiga loo taxaabo Xusni Mubaarak iyo labadiisa carruurba ee Jamaal iyo Cala’, dalkii Masar dhibaatooyin badan ayaa soo gaartay oo ugu horrayso dhaqaale xumo, Mareykana wuxuu ku gooddiyay in uu ka jarayo dhaqaalihii uu siin jiray Masar,dalkii iyo dadkii waxaa soo gaaray dhibaatooyin badan, mana sahalsana in ay si dhaqsi ah uga soo kabato wixii soo gaaray,maxaa yeelay laga soo bilaabo 1981kii ayuu Xusni Mubaarka shacabkiisa u geesanaayay dhac iyo boob iyo cadaadiis.

Kacaanki shacabka ee liibiya ee dhashay 17kii febraayo sannadkii 2011,wuxuu keenay burbur iyo hantidii dalka oo la boobo iyo dalkii uu ku baaho nidaamka qabiilka ku dhisan, qabiilkasoo inta badan adeegsada madaxda,waxaana baa ba’ay dhismooyin muhiim ah adduun badana u baahan in dib loo dhiso, ciilkii shacabkuna wuxuu keenay in aysan sugin in maxkamad ay soo taagaan Qadaafi,hayeeshe markii ay gacanta ku dhigeenba durba wey dileen,ma sahalsana in nolosha shacabka ay caadi ku soo noqoto,maxaa yeelay waxaa cadaadis lagu haayay laga soo bilaabo markuu Qadaafi gacanta ku dhigay maamulka dalka sannadkii 1969kii.

Shacabka Yemen markii ay kaceen iska hor-imaadna ka dhacay iyaga iyo ciidanka dawladda,ayaa waxay keentay in madaxweynihii Cali Cabdalla Saalix la dhaawaco loolana cararo dalka Sucuudiya, cadaadis kaga yimid waddamada khaliijka ayaa soo dedejisay,in uu xukunka wareejiyo, sida la ogsoon yahayna Cali Cabdalla Saalix wuxuu noqday sannadkii 1990kii, madaxweynihii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda Yemen,sannadkii 1978kiina wuxuu ahaa madaxweynihii jamhuuriyadda carabta ee Yemen ee waqtigaasi lagu magacaabi jiray waqooyiga Yemen,33 sannadood kadddib ayuu madaxtinimadii ku wareejiyay ku xigeenkiisa Cabdu Rabbi Mansuur 27/02/2012,laakiinnse Cali Cabdalla Saalix wax wanaagsan ugama tegin shacabkiisa,gaajo iyo shaqo la’aan mooye.

Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan waxay tahay Bashaar Al-Asad kee buu noqon doona,madaxdaas aan dalkooda iyo dadkooduba wax u tarin,waxaa dhici karta in la waayo ra’yi ah, qofkii uu noqon doono mid ka mid ah madaxdaas aan soo sheegnay,maxaa yeelay Bashaar inkastoo reer galbeedka iyo Mareykanka iyo waddamada carabta intooda badan ay ka soo hor baxeen, haddana wuxuu rumaysan yahay in uu haysto labo dawladood oo xoog leh, waana Ruushka iyo Shiina,laakiinse dhinaca kale haddii aad fiiriso, waxaa meesha socda dhagar kale,Sucuudiya iyo Qadar iyo kuwa la fikradda ah aysan fahmayn.

Mareykanka iyo reer galbeedka waxay sugayaan in horta Bashaar uu dadkiisa iyo dalkiisaba baaba’ ka dhigo,Qadar iyo Sucuudiyana ay hubeeyaan mucaaradka,natiijaduna ay noqoto, kuwa xukunka qaban doono in sannooyin ay ku mashquulaan dhisidda dalkii iyo dadkii la baabi’iyay, sheekada buuraleyda Golana halkaas lagu illoobo,Isra’elna ay bilowdo sidii ay u horumarin lahayd buuraleyda Golan, si dhab ahna ay u hantiso.

Waa kan Mareykanku uu si rasmi ah u diiday in uu faragelin militeri ah ku sameeyo dalka Syria,wuxuuna shardi uga dhigay in marka hore kaalmo bani’aadanimo loo fidiyo,danjiraha Mareykanka u fadhiya Nato,ayaa shaaca ka qaaday in isbahaysiga xulufada Nato,ay doonayaan in marka hore dalka Syria, loo kaalmeeyo bani’aadanimo,danjiruhu wuxuu arrinkaasi ku sheegay shir jaraa’id uu maalintii khamiistii 01/03/2012,ku qabtay Chicago, wuxuuna ka jawaabayay su’aal ahayd:maxay gaashaaan buurta Nato ay u faraggelin militeri ugu samayn la’dahay Syria sidii ay ugu samaysay Liibiya oo kale?, wuxuu ku jawaabay: gaashaanbuurta Nato oo ka kooban 28 dawladood waxay arrintaasi ka hadli doontaa shir madaxeedka sannadlaha ah oo lagu qaban doono Chicago bisha soo socota ee Mey 21 keeda, macnaha wey iska caddahay,marka hore Syria ha baaba’do weeyaan .. [email protected]