Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sidee Lacagaha Madax-Furashada Ahi Ku Gaaraan Kooxda Burcad-Badeeda

Friday - March 2, 2012

By Wariye Mawliid Xaaji Cabdi: Shan iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey haba ugu darnaato 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa ka aloosnaa xeebaha Soomaaliya gaar ahaan gacanka Cadmeed & Badweynta falalka budhcad badeeda Soomaalida kuwaasi afduubka iyo weerarada maraakiibta ka dhigay tusbax afka laga furay. Hadaba warbixintan waxaynu ku eegaynaa falalka afduubka oo ku soo dhamaada intooda badan lacag madax-furasho ah oo la siiyo shufto badeeda taasi oo inta badan gaadhaysa malaayiin doolar.

Shan iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey haba ugu darnaato 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa ka aloosnaa xeebaha Soomaaliya gaar ahaan gacanka Cadmeed & Badweynta falalka budhcad badeeda Soomaalida kuwaasi afduubka iyo weerarada maraakiibta ka dhigay tusbax afka laga furay.

Hadaba warbixintan waxaynu ku eegaynaa falalka afduubka oo ku soo dhamaada intooda badan lacag madax-furasho ah oo la siiyo shufto badeeda taasi oo inta badan gaadhaysa malaayiin doolar.

Kooxaha shufto badeeda oo ka kooban dhalinyaro tiro ahaan u dhaxeysa shan ilaa toban oo adeegsanaya doonyaha dheereeya ee aadka u tamarta yar, waxay awood aan la ogeyn sida ay ku noqon karto mid guuleysata ku gaadhaan masaafo aad u fog oo badweynta ah iyagoo halkaasi ka soo qabsada maraakiibta waa weyn ee xamuulka qaada iyadoo sidoo kale isku daya inay afduub kula kacaan maraakiibta dalxiiska & tamashlaha ee loo yaqaan (Cruise ship).

Shaki badan ayaa ku gadaam habkii ay ku aasaasmeen ama ay ku noqdeen kuwa hawlgalkoodu dhalinyaradan ku noqdey mid dadka adduunka ka qaylisiiyey oo si la yaab leh u guuleystey, waxaana shakigaasi ka mid ah in abaabul qarsoodi ah iyo naasnuujin dani shisheeye uu ku bilowdey hawlgalka budhcad badeeda taasi oo looga dan lahaa in adduunka laga dhaadhiciyo falalka budhcad badeeda in looga hortagi karo oo kaliya hawlgal military oo maraakiib dagaal iyo ciidamo fara badan la dhoobo xeebaha Soomaaliya iyo biyo badeedka caalamiga ah ee ku gadaaman.

Talaabadan waxaa loo arkaa dano shisheeyuhu ka leeyihiin istaraajiyada baddaha Soomaaliya oo uu ku yaal marin miyoodka caalamiga ah Gacanka Cadmeed (Gulf Of Aden) kaasi oo ay ka gudbaan 21 kun oo markab sanadkii.

Muhiimada gacanka Cadmeed waxaa ku lamaanan xidhiidhka badeed iyo marinka gaadiid badeedka ee Kanaalka Sueyz (Suez canal) kaasi oo ah isku xidh gaadiidka badda ee gooshaya badda Mediterranean Sea, Arabian Sea iyo Badweynta Hindiya (Indian Ocean), falalka afduub ee ka dhacay gacanka cadmeed ayaa keenay in loogu yeedho "Marinkii budhcad badeeda".

Dad badan oo ku xeeldheer arimaha baddaha, istaraajiyada & waliba isbadalada siyaasadeed iyo military ee dunida ayaa farta ku fiiqaya in inkastoo cabasho gudaha ay taagan tahay, hadana falalka xoogeystey ee budhcad badeedu ay yihiin kuwa la abuuray oo dan xiligan aan taagneyn laga leeyahay Istraatijyada muhiimka ah ee biyaha badda Soomaaliya, shakiyada arinkan ku dahaadhan ayaa waxaa ugu weyn iyadoo dalalka reer Galbeedka iyo kuwa kale ee xiligan maraakiibta faraha badani ka joogto xeebaha Soomaaliya ay muddo indhaha ka eeganayeen korodhka budhcad badeeda, qaylo dhaanta maamulada deegaanada ka soo yeedhaysa ee ku aadan in lagu gacan siiyo wax ka qabashada xaaladaha budhcad badeed halkii malaayiin doolar lagu bixin lahaa hawlgalo kooban oo ilaalo ah.

Arimaha kale ee ilaa iyo hada dunidu iska indho tirayso ayaa ah budhcad badeed kale oo mataano la ah kuwa Soomaalida oo sanado fara badan ka macaashtey dawlad la’aanta iyo awood la’aanta dadka Soomaaliyeed , kuwaasi oo boob iyo bililiqo cad ku haya kheyraadka baddaha Soomaaliyeed.

Shufto badeedan ma naxayaasha ee xaaran ku naaxaha oo adeegsanaya maraakiib waa weyn oo ay ka mamnuuctahay sharci ahaan dunida in lagu kaluumaysto ayaa baddaha Soomaaliyeed ee baylahda waxay ka wadaan xaalufin ba’an iyagoo dhibaato culus u geystey keydka khayraadkii dihn ee Soomaaliyeed, dabar jarnna u geystey ukxantii uu ka dhasho kaluunka badda.

Kooxahan ajaaniibta ah oo qaarkood ruqsado sharci aan aheyn ka hela maamulada kala duwan ee dalka ka jira, hogaamiye kooxeedyada, dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya waxay ka faa’ideysteen tooshka dunidu ku ifinayso burcad badeeda maraakiinta afduubata iyadoon si aan la fahmeyn u wata hawshooda boobka iyo dhaca ku saleysan ee kheyraadka badda Soomaaliyeed.

Budhcad badeedan aan loo soo jeedin wax ka qabashadeeda waxay kaloo dhibaato ba’an u geysteen kaluumaysatadii Soomaaliyeed ee ka xoogsanayey xeebaha dalka ka dib markii ay burburiyeen xayndaabyadii kaluumaysiga ee ay badda dhigteen, laashashkii ay ku kuulamaysanayeen iyo waliba dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti oo soo gaadhay kaluumaysata ka gadaal markii la jiirey gaadiid badeedkii ay ku kaluumaysanayeen.

Falalkan isbiirsadey ee dhiirigalinta budhcad badeeda Soomaalida iyo dhibaatada aan laga damqan ee soo gaadhay xoogsatii badda ee Soomaalida waxay ka dhigtey budhcad badeednimada talaabada ugu haboon ee looga aargudan karo shisheeyaha oo ah in la qafaasho maraakiibta ka dibna madaxfurasho lagu badasho.

Hadaba sidee loo kala qaataa lacagaha madaxfurashada:

Inta aan la bilaabin socodka badda, nin ka mid ah ragga madaxda u ah budhcad badeeda wuxuu keena hindise safar afduub la isugu diyaarinayo, waxaa heshiis lala gala qof dhaqaale haysta oo diyaar u ah in uu bixiyo dhamaan qarashka ku baxaya hawlgalka isla markaana uu qaato 30% dhaqaalaha soo xarooda tusaale ahaan haddii uu bixiyo 50 kun oo doolar, oo markab laga qaato adduun lacageed oo gaadhaya 3 milyan oo doolar taasi macnaheedu waxay tahay in 3-da milyan uu ku leeyahay 30% oo ka dhigan $ 900 kun oo doolar, halkaasi oo uu ka macaashayo 850 kun oo doolar oo xalaal ahaanteeda ka dayriyeen culimada diinteenna.

Shuruuda maalgaliyaha lagu xidho ayaa ah inaanu qarash heli doonin oo ay tahay 50-50 iyo wax la iskuma soo raacdaan haddii hawlgalka uu ku soo dhamaado natiijo la’aan oo la dilo ama la qabqabto ragga safarka u baxaya.

Madaxa hawlgalkaasi waxaa kale oo uu qorsheeyaa dhaqaalaha ka soo bixi doona madaxfurashada inta uu isagu leeyahay, ragga baxay inta ay leeyihiin, qarashka bixi doona mudada markabka la haysto, dhaqaalaha la siinayo qoyska haddii hawlgalka dhimasho ka dhacdo iyo sida loo bixin doono haddii ay timaado fashil ku dhaca hawlgalka.

Dhaqaalaha soo xarooda waxaa 30% (boqolkiiba sodon) la siiyaa unugii fuliyey hawlgalka, hogaamiyaha kooxda abaabulay ayaa qaata 20%.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in 30% dhaqaalahaasi ay qaataan saraakiisha maamulada deegaanka ay ka hawlgalayaan shufto badeeda, halka 20% dhaqaalahaasi loo meeleeyo fulinta hawlgalka mustaqbalka la fuliyo ama la qorsheynayo.

Budhcad badeedu marka ay qabsadaan markabka ama gaadiidka kale ee badda inta badan ma geystaan dhimasho ama dhaawac, waxay ka doorbidaan inay helaan madax-furasho, waxay la hadal siiyaan captain-ka markabka iyo shaqaalaha kale shirkada iska leh markabka iyo qoysaskooda iyagoo watqi u qabta haddii kale ay dhacayso xaalad dhimasho ku lug leh.

Halkaasi waxaa ka bilowda wadaxaajood deg deg ah ama daahis ku dhamaada, iydoo inta badan 80% wadaxaajoodyadu ay ku dhamaadaan isafgarad iyo in lacag la siiyo budhcad badeeda.

Habka lacagaha lagu kala qaato mudo badan waxaa ka taagnaa jahwareer waxaa kale oo lagu wareersanaa sida wiilal qoryo AK 47 ah garaarsan oo qaarkood waxna aanay aqrin waxna qorin ay ku gaari karto malaayiin doolar oo ay dalbadaan, iyadoo aan la ogeyn nidaam bangi ama xawaalad ka shaqeysa badda gudaheeda oo account bank lagu kala qaato lacagaha.

Balse raad raac iyo baadhitaan ka dib waxaa noo soo baxdey mid ka mid ah habka ugu sahlan ee ay isku aaminaan budhcad badeeda iyo shirkadaha madaxfurashada ka bixiya maraakiibta laga qabsado kaasi oo ah in lacagta oogada sare looga tuuro shuftada iyadoo diyaarad baarashuud ku sido lacagta.

London xarunta wadaxaajoodka lacagaha budhcad badeeda

Wadaxaajoodka budhcad badeeda ayaa inta badan waxaa gala dulaalin intooda badan ajanabi ah oo matalaya shirkadaha caymiska ama shirkada markabka iska leh, iyadoo la xaqiijiyey in wadaxaajoodka intiisa badan ay ku lug leeyihiin shirkadu qaabilsan caymiska iyo sharciyada maraakiibta oo fadhigoodu yahay magaalada London , sababaha inta badan ay uga dhacaan wadaxaajoodyada budhcad badeeda magaalada London waxaa ugu wacan sharciga British-ka oo aan diideyn in lacag la siiyo afduubayaal hadii aanay aheyn "Argagixiso".

James Wilkes oo ah madax ka ah shirkada lagu magacaabao Gray Page ee barteeda Internet-ku tahay http://www.graypage.co.uk/ ee arimaha amaanka maraakiibta qaabilsan ayaa sheegay in muddo bilooyin ah ay qaadato wadaxaajoodka iyadoo waliba maalin walba la wada hadlayo taasi oo ka dhigan gorgortan ku aadan in lacagta la yareeyo ama la kordhiyo.

Darren Dickson oo isaguna ka tirsan qaabilsan la talinta amaanka maraakiibta ayaa sheegay in inta badan ay u dhacaan hawlaha bixinta madaxfurashadu iyadoo lacagta hawada looga tuuro budhcad badeeda, waxaana uu qiray in shirkadiisu ay dhawr mar gashay heshiis shufto badeeda hawada lacag looga tuuray

Simon Beale oo isaguna wax ka qora arimaha amaanka badaha ayaa sheegay in ay tahay qiime aad u badan hawlaha la xidhiidha wadaxaajoodka maraakiibta la afduubo iyadoo taasi ugu wacan tahay, qareenada ku lugta leh, la taliyeyaasha, la talinta amaanka iyo lacagta la siinayo budhcad badeed taasi oo ka dhigan qiime fara badan uu ku kacayo hawlgalkaasi iyadoo ay sii dheertahay qarashka ku baxaya in hawada lacag looga tuuro shufto badeeda.

Ugu dambeyntii wax ka qabashada dunida ay ku doonayso budhcad badeeda Soomaalida ayaan u muuqan mid ku socota toobiyihii lagu hanan lahaa guulraadisteeda, tiiyoo ay muuqato "Baadi nin baa kula day-dayi oo dooneyn daa’in abidkaa inaad hesho", taasina waxaa ugu wacan danaha gurucan ee ku hoos qarsoon ee shisheeyuhu ka leeyahay dalka Soomaaliya.