Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sir Qunbulad Ah: Yaa Madaxweyne Isu Diyaarinaaya .. Yaa Loo Wada Raiisal Wasaare

Tuesday - Feb 28, 2012

Soo Diyaarshe tifaftiraha Galdogob Times: Gor galab gaab ah ayaa anigoo ku Qaxweynaya goob aan ugu magacdary baar luga Baxsi oo aan galb-damedka ilaa fiidka hore aalaaba halkaas ku soo mayracdo ayaa si kadis ah igu soo dhararaq-leeyey taleefon, dabadeed halow iyo wax is weydiin iyo faaqidaad aduun ka dib waxaa gacalki ila hadlayey warkiisi faqa ahaan igu yiri: Maxamadow waxaa dhagta saaka laygu sheegay oo run layga dhigaya in aqoon-yahano ka soo jeeda reer waqooyiga Isaaq ay la xariireen masuulin ka tirsan dawlada Ingiriiska oo ay ku yiraahdeen sheekada goni isutqaaga somaaliland ma aha cilmiyan mid shaqeyneysa mana rabno in maaweelada 20 sano iyo ka badan iney nagu si socoto waxayna igu yiraahdeen waxaan u dhiibnay qoraal ay ku wada saxiixanyihiin 30 qof rugcadaa kana soo jeeda beelweynta Isaaq oo isugu jira ganacsato iyo tirada badan oo ah aqoonyahano caalamka daafihisa ku kala nool oo ka kal soo jeeda beelweynta isaaq .. jaalaha aan weydiiyey

 ..  Silaanyo kama soconeyso calamke ee fadlan guud ahaan somaaliya xaga siyaasada iyo midnimada cariga somaliya wax ka qabta oo share-ka aan reero ahaan leenahay ha nalo qeexo .. waxuuna rafiiqaas igu si kordhiyey oo yiri waxaa la itusay qoraalki oo ay ku saxiixan-yihiin 22 qof oo isku sheegay reer somaliland-Isaq .. aniga ayaa dabadeed su'aal ku naqay oo ku iri; malaha waxay ku soo hoos galiyeen qoraalo ay sameeyeen reer khaatumo iyo reer awdal .. dabadeed maya ayuu yiri oo dadka itusay waxbaa naga dhexeeya. 

 miyaad garaneysaa shakhsiyaad hayb ahaan beesha isaaq oo aaminsan midnimada somaali oo ku baaluqsan waayo-aragnimo siyaasadeed  laguna tilmaamo karaamo iyo darajeeyn aqooneed oo xagiinaa jooga, waxaan ku iri aniga reerahaas dhex galkooda iyo waxay kala aaminsan-yihiin ma helo, laakiin guud ahaan reerahaas cida aad ka dooneyso waxaad kala xariiri-karta hebel iyo hebel oo ku sugan cinwaanadaas.

dabadeed anigoo hadalkii dib ugu ceshay ayaan weydiiyey waxa xulka noocaan ah u ka doonaayo, waxuu igu yiri Qolo wax isla raadineysa ayaa ila soo xariirtay oo tiri waxaan tirakoobeyna aqoon-yahano guud oo beel kasta leh oo iyagoo qabiil ahaan u balance-gareysan shir la isugu keeno

, dabadeed hadalkii oo dhamaad ah ayaan raciyey in inta kale ee qabaailka ay haystaan iyo in kale , waxuu igu yiri kuwaas wey heleen ee un reerkaas aan ku weydiiyey ayuunba dhimanaa ee maxamadow shir baan ku dag dagayaa waase kula soo xariiraya..

Gacalki waxaan is dhahnaba is macasalaameynay, waxaanse isla markiba dib u soo xasuustay  todobo casho ka hor Nin oday ah si hadal duul ah oo aanan si raacin igu yiri: reer Yurub waxay beryahaan hadal hayaan sidi Nin reer waqooyi ah meerto heshiis la isku afgartay ay hogaanka sare ee  dawlada wax ka siyaan .. walow ninka warka ii sheegay u ahaa oday hadalka iska la kufin hadana koleyba aniga waxaan isaga qaatay war un la sheegay. 

Waxaa intaa dheer Mr. Mahiiga oo ah injineerka siyaasada Somaaliya mar u joogay shirki lagu aslaayey dastuurki Garowe waxuu oday halkaa joogay kula kaftamay oo ku yiri; doorashada Ninka madaxweynaha noqonaaya xildhibaanada la soo dooran-doono ayey u taala laakiin ninka sharciga dastuurkaan awooda loo siiyey ee Raiisal wasaarha noqonaaya waxuu ahaan-doonaa qof hogaanimada ku carbisan leh khibradaha horumarka dhaqaalaha .. waa sarkaal la iskala tashan-doono ayuu yiri .. su'aal lagu celiyey Mr. Mahiiga ayaa la weydiiyey " What about C/weli"? waxuu yiri waa wiil fiican mutacalim ah u furfuran wax qabadka dalkiisa waana dhici kartaa in musharaxiinta jagadaas u ka mid noqdo, laakiin koleyba go'aanka waa wada yeelan-doonaan madaxweynaha iyo deeq bixiyaasha ayaa hadalkiisi halkaas la maray isagoo goos dambedka ka qoslaaya .. fiiro gaara  warkaan waa xigasho ka si xigasho isago si suluxleynaaya soo gaaray Baar luga Baxsi..Akhristow ila sii soco.

Dhinaca kale waxaa mid ka mida la taliyaasha Meles Zenaawi laga xigtay inu yiri; Axmed Siilaanyo waxuu noogu muuqda inusan ahayn ruux sidi la moodaayey oo gacantiisi ayey ku si burbureysaa Somaliland maxaa yeelay ayuu yiri waxuu isku xeeray xag-jiro xitaa irdihi marsada berbera aan wax ka soo dagsan jirnay raba iney ood naga saaraan oo sheeko kale la soo mutuxan, cadaaladna meesha kuma hayaan gocoshadoodana wey badantahay ayuu warkiisi raaciyey sidaa daraadeed ayuu yiri iminka shacabka reer Somaliland waan filaya iney Mogdisho qodax u oolin oo dawlada Somaalida loo dhisaayo wax ka qaataan .. yes ayuu yiri wixi xaq ay u leeyihiin waa loo oglyahay ee warka gabayga badan leh ha iska ilaawaan ayuu wakiisi ku soo gaabshay .. sida la ogyahay Zenaawi hadda ka hor isagoo ka hadlaaya go'itaanka Somaliland ayaa laga wariyey inu yiri; Somaaliya iyadoo hal dawlo ah ayaan khaati ka istaagnay, maxaase moodaa iyagoo dhawr dawladood ah oo mustaqbalka fog iyo hadhaw caruurta ay dhalaan maxfalada UNka Nagu ciririya. fiiro gaara ka xigasho oday ka yimi adis oo la kulmay rag la xariiray la taliyahaas.

 

Waxaa Dhawaan soo kala bixi-doona siyaaxsado badan oo aad u kala duwan oo gud ahaan saameyn weyn ku yeelandoonta arimaha somaaliya iyo guud ahaan   geeska afrika iyo dunidaba, waxaana rajo iyo shakiba laga kala muujinaya mustaqbalka shakhsiyaadka hogaanka dalka u qaban-doona ..  Waxaa illa iyo hadda la aaminsanyahay in madaxweyne shiikh Sariif u orod iyo is xayd-xayd u markale ugu jiro tartanka qasriga madaxtooyada isagoo maalmahaanba dadaal ugu jira sidi u dadweynaha  quluubtooda u soo jiidan lahaa, waxaana wax doonashadiisa ka dambeysay ayaa la yiri dad ay ehel wadaag yihiin oo ku dhiiri-galiyey inu markale u baxo tartankaas, waxaa kalo himadiisa wax doonka kor u sii qaaday markii ninka gacanta macaan oo la yiraahdo waxuu ku hodmay hantidi umada waa Shariif Sakiine u isna ku yiri Shiikh Shariifow ii weydi wixi aad doonto  dhaqaalo ku bixi-doona gorgortanka lagu dabaayo tiro xildhibaan oo la rabo iney miisaanka guusha cusleyaan .. waxuu kalo u balanqaaday waa sida laga sheegaye inu beesha digil iyo mirifle xildhibaana-dooda u keeni-doono iyagoo guulwadeynaaya .. xigasho ka si xigasho laga wariyey sarkaal sare oo ku sugan madaxtooyada.

 Dhinaca kale kale haddi aan u gudbo iyo xarig jiidka kursiga madaxtinimada oo la yiri Cabdiramaan Xaaji  faroole waxuu ku jira kuwa jaaniska ka raadinaaya Fedaraalka oo malaha ay dhici karto kuwa saas yiri iney rabaan inu gobolka uga tago .. Cabdiraxmaan waxaa lagu tuhmaa inu yahay illa hadda ninka kaliya leh damaca kursi-doonka ee beesha daarood ka soo jeeda oo haysta maaliyad gaara oo ugu baxo tartanka Viilada ama ku lobbyin-gareyn-karo jagada raiisal wasaare oo sida la ogyahay kursigiisa iminka Puntland kuma u helin jaceyl loo qabay balse farsamo gorgortan dhaqaale oo caga-jugleyn raacsantahay ayuu ku keensaday.

Cabdiraxmaan sida reerkiisa ay maxfalada kaga sheekeeyaan aragtidiisu waa sida dayaaradi xiin-finiin codkiisa ka deereya, mana aha Nin garta waxa ka imaankara talabada u qaado, iyo waxa dhici-doona haba sheegin .. ma aha ayey yiraahdaan Nin beeshiisa sina faaiido ugu keeni kara, balse inta badan hadalkiisa aan mawqifyada qaarkood laaiqa ku ahayn ayaa dhib u soo jiida, sidaa daraadeed ma ay jecla mana ku xirna, laakiin beelaha kale ayaa u qaba nin qabiilkiisa si gaara Qareen ugu ah .. hadda ka hor ayaa Axmed Jilacowgi NSSta lagu yiri war ninkaan maxaad ugu sameyneysaa dabagalka waxuu ku jawaabay oo yiri kuwaa igu yiri Qabiil baa qalbigiisa ka guuxaya iyo xitaa marku soconaayo khidado kaarto inqilaab ayuu dajinaaya, laakiin mudo kadib waxaan ogaaday inu iska yahay wiil un wax iska jigraara kaliya oo mar un laandheere tahay maskaxda looga qufulay. 

Cabdiraxmaan Xaaji shaki badan ayaa ka jira inu haddu u cararo tartanka u helikaro kursiga Viilada waayo sidu xildhibaanadi Garowe ula gorgartamay oo u ku yiri: Qofki lacag aan siiyo oo codka ii siin waaya hadde ha ogaado halkaan iney tahay Garowe" .. marka su'aashu waxay tahay halkaa mogdishow sidaas oo kale ma ku sameynkara, jawaabtu waa maya .. taas waxaa mogdisho ku sameynkara haddu damco sidaan filayo shiikh Shariif. 

Dhinac kale illa iyo hadda ma soo shaac bixin nin kale oo la sheegay inu tartankaas isku soo tuuro, oo malaha koleyba waqtiyada dambe ayey wajiga keeni-doonaan, laakiin waxaa aad loo hdal haya cabdiraxmaan Xaaji faroole oo la yiri wey u dhawdahay inu ciyaarta wax ka galo

Diplomaasiyiinta reer Saan-cade (white man) ee arinta somaaliya ku shuqlan oo hadba geed ku soo xoqanaya waxaa markaan faalintoodi u soo baxday in Shiikh Shariif ma daama u yahay nin meel laga soo qaaday, dhaga-nugul u mudanyahay inu sii joogo inta shanta sano ee dambe, iyagoo ka cabsi qaba waxa ka imaankara madaxweyne hor leh balafsanaya oo damaciisa dheeraad yahay amase  yiraahda teydaan ku soconaya iyo waxaad doontaan sameeya.

 oo markaa raiisal wasaarah aan u cuntamin soo magacaabo .. waa sida ay sheegaane Shiikh Shariif ma aha Nin ka laba bogleya haraameynta argagixisada u daran nabada ee adeegsada shaar diimeed taaso khilaafsan waa sida ay yiraahdeene qaladaadki u galay Cabdiqaasim Salaad oo markii la doortay hooy oran waayey qab-qablayaashi yirina; aniga waxa la ii doortay waan ogahay, laakiin aniga hawiye inaan dagaal isaga hor keeno waa sacab timo ka soo baxeen oo hadhaw la ii oran maayo Cabdibaa Geel laayey. oo ugu dambeyn sidaas ku diidey inu ciidamo milatari dhiso, arintaaso keentay in wixi la taabsaday, qab-qablayaashi, itixaad iyo shabaabki ay carbiyeen wadanki hantiyaan .. xigasho laga soo wariyey rag la shaqeeya UNka

Bal xagaan aan u gudbo iyo xarig jiidka kursiga madaxtinimada oo la yiri Cabdiramaan Xaaji  faroole waxuu ku jira kuwa jaaniska ka raadinaaya Fedaraalka oo malaha ay dhici karto kuwa saas yiri iney rabaan inu gobolka uga tago .. Cabdiraxmaan waxaa lagu tuhmaa inu yahay illa hadda ninka kaliya leh damaca kursi-doonka ee beesha daarood ka soo jeeda oo haysta maaliyad gaara oo ugu baxo tartanka Viilada ama ku lobbyin-gareyn-karo jagada raiisal wasaare oo sida la ogyahay kursigiisa iminka Puntland kuma u helin jaceyl loo qabay balse farsamo gorgortan dhaqaale oo caga-jugleyn raacsantahay ayuu ku keensaday.

Cabdiraxmaan sida reerkiisa ay maxfalada kaga sheekeeyaan aragtidiisu waa sida dayaaradi xiin-finiin codkiisa ka deereya, mana aha Nin garta waxa ka imaankara talabada u qaado, iyo waxa dhici-doona haba sheegin .. ma aha ayey yiraahdaan Nin beeshiisa sina faaiido ugu keeni kara, balse inta badan hadalkiisa aan mawqifyada qaarkood laaiqa ku ahayn ayaa dhib u soo jiida, sidaa daraadeed ma ay jecla mana ku xirna, laakiin beelaha kale ayaa u qaba nin qabiilkiisa si gaara Qareen ugu ah .. hadda ka hor ayaa Axmed Jilacowgi NSSta lagu yiri war ninkaan maxaad ugu sameyneysaa dabagalka waxuu ku jawaabay oo yiri kuwaa igu yiri Qabiil baa qalbigiisa ka guuxaya iyo xitaa marku soconaayo khidado kaarto inqilaab ayuu dajinaaya, laakiin mudo kadib waxaan ogaaday inu iska yahay wiil un wax iska jigraara kaliya oo mar un laandheere tahay maskaxda looga qufulay. 

Cabdiraxmaan Xaaji shaki badan ayaa ka jira inu haddu u cararo tartanka u helikaro kursiga Viilada waayo sidu xildhibaanadi Garowe ula gorgartamay oo u ku yiri: Qofki lacag aan siiyo oo codka ii siin waaya hadde ha ogaado halkaan iney tahay Garowe" .. marka su'aashu waxay tahay halkaa mogdishow sidaas oo kale ma ku sameynkara, jawaabtu waa maya .. taas waxaa mogdisho ku sameynkara haddu damco sidaan filayo shiikh Shariif. 

Dhinaca kale Mr Cabdi-Wali oo ah raisal Wasaaraha Somaliya waxaa lagu sheega nin aqoontiisa iyo caqligiisa ay isu dheelitiran-yihiin oo xaajo kasta si qun yar socod aysan qodax u mudin sida ku haboon wax ku abaara , waxuu si faafahsan qurux badan oo soo jiidasho leh uga waramaa xaalada dalka iyo sida ay ku haboonaan lahayd in looga hortago, sida xogta aan ku hayno C/wali barnaamijka siyaasadiisa ma aha mid ku qotanta dhaa-dhac ku doon iyo dus dus oo waxa hor yaala iska indha tiraaya .. sida la ii xaqiijiyey Cabdiweli waxuu ra'yi qaba inaan nahay umad kuligeed isla wada sax ah hadana wada qaldan, umad rabta xumaan iyo samaan labaduba lagu taageero .. arintu si kastaba ha noqote dadku si caqli salim ah waxay u qirayaan inu muuno ku leeyahay jagada u hadda hayo oo leeyahay awood hogaanimo u ku falkiyo ku shaqeynta cilmiga siyaasada iyo  dhaqaalaha ee la doonaayo in dalka lagu hormariyo.

Warku yuusan ila si taraarixine,koleyba arintaan ha noqoto war kutiri-ku teen ama mid saxa waxaa tabinta dhaga-dhageyntaas kuu tilmaameysa in dawlada Ingiriiska oo beryahaan ku mirqaansan siyaasada Somaaliya iyo qolo isku dhafa oo talo la ruugeysa ay rabaan in markaan si meerto ah oo isla garasho ah " consensus" ay raiisal wasaare u magacaawdo Nin ka mida beelaha dega waqooyiga sida warsangali, isaaq dhulbahante ama gadabuursiba, halka la doonaayo in madaxweyne-nimada xiligaan tartankiisa ay ku koobnaadaan reer kooforta siiba Daaroodka iyo Hawiyaha illa ay ka timaada doorashada guud ee shacabka .. akhristow la soco in dastuurka awooda wax maamuusta markaan lagu siiyey raiisal wasaarha ay ahayd qorsho ulajeedeysan oo kiiskaan la xariira.

Fiiro Gaara: Fadlan shabkadaan waxba kama qabto cidi copy ka sameysaneysa, hasa ahaate waxaa codsi ah in qoraaga xaqiisa la ilaalyo, oo aysan dhin sida kuwi hore loo koobi-gareystay iyadoon la xusin meesha laga soo qaatay.