Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Takhtar Xaawo Cabdi Dhiblaawe Oo Ku Eedeysay Al- Shabaab Iney Dhulkeedi Dad Aan Lahayn U Xukuntay

Tuesday - Feb 28, 2012

Xigasho (RH) Marka: Dhaqtarad Xaawo Cabdi Dhiblaawe ayaa sheegtay in Al-shabaab ay qayb ka mid ah dhulkeeda uu ku yaallo isbitaalka iyo kuwo kale oo ay deggenaayeen dad shacab ah u xukumeen ganacsade ka tirsan Al-shabaab.

Dr Xaawo Cabdi oo 65-jir ah ayaa sheegtay in gallinkii dambe ee Axadda ay dhulka xukuntay maxakamad ay maamusho Al-shabaab oo ku taalla degmada Marka ee gobolka Shabeellada hoose, waxayna xukunkaas ku tilmaantay mid aan sharci ahayn.

"Arrintan waa mid aad loola yaabo," ayay tiri Dr Xaawo Cabdi oo intaas ku dartay. "Ma yaqaaniin (Al-shabaab) sharciga Islaamka iyo midka madaniga. Waxay haystaan qori waxayna garanayaan sida wax loo dilo."

Isbitaalka Dr Xaawo Cabdi ayaa wuxuu ku yaalla waddada isku xira Muqdisho iyo Afgooye, isagoo caasimadda u jira 20-km, waxayna ka carartay xilligii ururka Xisbul Islaam uu ka talinayay deegaannadaas kaddib markii ciidamadeeda iyo xoogaggaas uu dagaal dhexmaray.

Dhaqtaraddu waxay sheegtay in dhul ballaaran oo ay dagganayeen dad shacab ah oo iyadu ay lahayd loo xukumay ganacsadaha, iyadoo xustay in maxkamadda ay geeyeen warqadihii lahaanshaha dhulka, balse la diiday in la dhageysto.

"Waxaan leeyahay. Isku eega wixii aad Soomaaliya ka sameysteen iyo wixii aan anigu sameeyay," ayay hadalkeeda ku dartay dhaqtaradda oo sheegtay inaysan weligeed arag xumaan intaan oo kale ah. Waxayna dhaqtaraddu ku taqasustay cilmiga daweynta haweenka iyadoo isla cilmigan bartay laba gabdhood oo ay dhashay oo lagu kala magacaabo Deeqo iyo Aamina. posted on Tuesday, February 28th, 2012 ..  Axmed Saakin