Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dawlada Itoobiya Oo Cadeysay Iney Ka Baxayso Baydhabo Markay Xasiliso Nabada

Sunday - Feb 26, 2012

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Ethiopia Dina Mufti oo maanta la hadlay warbaahinta wadankaasi ayaa sheegay inay ciidamadooda ay kala baxayaan magaalada Baydhabo marka ugu horeysa ee ay xasiliyaan amaanka magaalada ayna hubiyaan in magaalada ay gacanta dawlada si buuxda ugu jirto.

Afhayeenku waxaa uu xusay in ciidamadooda ay dhawaan magaalada Baydhabo ee xerunta gobolka Bay ka saareen Xarakadda Al-Shabab oo muddo sanado ah maamulayay waxaana uu intyaa ku daray in Baydhabo ay tahay magaaladii labaad oo oo muhiim ah oo ay Al-Shabab ka saaraan Dina Mufti afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbadda Ethiopia waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inuu hadda socdo qorshe ay ku doonayaan inay hawl galo ka sameeyaan magaalooyin kale oo gudaha Soomaaliya ku yaala walaw uu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto.

"Ciidamadeena sida ugu dhaqsiyaha badan ayay Baydhabo uga baxayaan waana marka ay amaanka sugaan lana hubiyo in magaalada ay dawlada gacanta ugu jirto" ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbadda wadanka Ethiopia Dina Mufti oo la hadlayay warbaahinta dalkiisa waxaana uu tilmaamay inay magaalada Baydhabo ay ku wareejinayaan cidda xaqa u leh sida uu yiri.

Ciidamada dawlada Ethiopia oo garab siinaya kuwa dawlada ayaan dhawaan lawareegay magaalada Baydhabo oo ka mid aheyd meelaha ay sida weyn ugu xoogan yihiin Xarakadda Al-Shabab dhawaana sidaas oo kale ayay ciidamada Ethiopia la wareegeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan .. Somaliweyn - Maxamuud Axmed Xasan