Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Shirki Looga Hadlaayey Mustaqbalka Somaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada London

Thursday - Feb 23, 2012

London – waxaa maanta magaalada London si rasmi ah uga furmay shir caalami ah oo looga hadlaayo mustaqbalka dalka Somaaliya .. Shirkaana waxaa maanta furay raiisal wasaaraha dawlada Britain Mr. David Cameron, waxayna ujeedada shirka ay tahay sidi Somaaliya loogu dajin-lahaa siyaasad cusub oo wax looga qabto dagaalka sokeeye, fawdada burcad-badeeda iyo argagixisada iyo macaluusha ka jirta wadanka Somaaliya.

Shirka Waxaa goob joog ka ah wakiilo ka socda illa konton dawladood iyo xubno ka socda ururada caalamiga iyo sido kale wafuud iyagana ka socota dalka Somaaliya oo u ka mid yahay Madaxweyne Shiikh Shariif iyo sido kale madax laga casumay maamulada ka jira Somaaliya .. Waraysiyada ay illaa iminka bixiyeen xubnaha wufuudda caalamka qaarkood, waxa ay leeyihiin Somailia waa mid kaliye, laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriisku ayaa inta badan dad qurba joogta ah ku yiraahda Somaliland waxbaa u qabsoomay, taaso dadka qaarkiis ay u arkaan inu ula jeedo iney hawl-galkooda gooni isu taaga ay reerku halkaas ka si wadaan.