Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Diplomat Axmed M. "Qaybe" Oo Ka Warbixiyey La Kulan-kiisi Geesigi Patruce Lamumba Ee Carigi Kongo

Wednesday - Feb 22, 2012

Waxuu Yiri: Markaan Muqdisho ku noqday Bishii August 1960 ayaa xukuumadii Kongo (Congo) ee Patrice Lumumba madaxa ka ahaa ayuu Somalia ku marti qaaday shir uu ku magacaabay Pan African Conference oo uu Lumumba taageero kaga doonaayay Dawladihii Africa khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo dawlada Belgium ee gumaysan jirtay Kongo xiriirka oo markaas Raiisal Wasaare Lumumba iyo madaxwaynihi waqtigaas Kongo Mr. Kosafubu uu aad u xumaa.

Dawladii Somalia waxay u dirtay shirkaas wafti uu hogaaminaayo Mudane Maxamed Cali Dacar oo ahaa wasiir ku xigeenkii arimaha dibada, waxaana xubnaha waftigaas ahaayeen aniga iyo Nicolina Maxamed oo labadayaduba ka tirsanayn Wasaarada Arimaha Dibada ee Somaliya, waxaa na sii qaaday diyaarad DC3 ahayd oo ka tirsaneyd Ciidanka Cirka ee Soomaalia oo ay duuliyayaal Soomaaliyeed wadeen, kuwaas oo kala ahaa Duuliye Axmed Macaw iyo Duuliye ku xigeen Cali Jaamac

Markii aanu hawada Kongo (Congo) galnay xili fiidnimo ah maan helin cid na hagta, Tiraba laba goor ayaan siganay markii aanu ku dagnay gegida Diyaaradaha ee kinshaasa oo meesha ma joogin shaqaale, mana jirin cid Dawlada ka tirsan oo garoonka nagu qaabishay, waxaana dalka ka jirtay Xaalad fawdo ah  .. Garoonka Diyaaradaha waxaan ka kiraysanay gaari yar oo bas ah intii aanu sii soconay jidka u dhaxeeya garoonka iyo magaalada ayaanu aragnay gaari noociisu ahaa Cadillac oo taagan meel cidlo ah oo wadada dhinaceeda ah Darawalkii baska ayaa nagu yiri gaarigaas waa kii Lumumba.

Haddii aanu eegnay waxa saarnaa Lumumba nin sarkaal ahna dibada kala sheekaysanayay Markii naloo sheegay wuxuu nagu yiri isoo daba gala, waxa uu na geeyay Hotel uu nin Beligum ahi maamule ka ahaa, Lumumba ayaa ku yiri waftigan daji Hotelka laakiin wuu ka diiday. Runtii waxay ahayd arin aad uga yaabisay Lumumba wuxuu sarkaalkii la socday ku amray in habeenkaas nala dajiyo guryihii ay Belgiumku ka carareen subaxdii dambana naloo raro Hotel cusub oo dawladu lahayd (Hotel Memling) uu qolal nooga sii qaban doono

Wufuudii Africaanka markii shirkii u furmay waxay dood ka bacdi iska qaateen gudi dhawr wadan oo soomaalia ku jirto ka kooban, waxaana gudidaasu isla galinkii dambe la kulantay Lumumba waxay kula taliyeen maadaama aanay Madaxwaynaha isku wanaagsanayn inuusan ka hor iman dawlada Belgium, laakiin Lumumba oo ahaa nin madax adag wuu diiday waanadaasi.

Sida uu Lumumba galabtaas nagu yiri khilaafka isaga iyo Dawlada Belgium waxa uu ku saabsan yahay Belgium oo doonaysay inay Gobolka macdantu ka buuxdo ee Katanga ka goyso Congo inteeda kale iyadoo adeegsanaysa ninki la oran jiray Tchombe oo ahaa madaxwaynihii maamul goboleedkaas Dhibaatadii wakhtigaas ka bilaabantay dalkaas, ugu dambeyn sida la wada og yahay Lumumba isagoo cararaya ayaa lagu qabtay magaaladi Stanly Ville oo magaaladi u ku dhashay ahayd dabadeed waxaa loo geeyay Tchombe oo baangad ku dilay

Waqtigaas oo shacabka Somaaliyeed aad u taageersanaa kacdoonki u waday Lamuumba Waxaa xusuus mudan in abwaan Cabdilaahi Qarshe u ka tiriyey hees loogu baroordiiqayey diricaas oo sidaan ku bilaabaneysay.

Ma noola mana dhiman

labadaa midna haw maleynina

Muuqiisoo la waayay mooyaane

inuu maqan yahay ha moodina