Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

General Galaal Oo Uu Sharaxan Wasiirka Difaaca Iyo Maxamed Dheere Oo Loo Rabo Wasiirka Amniga Guud

Sunday - March 28, 2010

Warar xog-ogal ah ayaa tilmaamaya in raiisal wasaaraha Ina Cabdi Rashiid loo gudbiyey magacyo liis ama daraaf ay ku qoranyihiin isku shaandheyn golaha wasiirada oo ku saleysan food ku doon iyo beel heblaayo yaan laga tagin .. liiskaas oo la sheegay iney ka maqanyihiin dhawr wasiiro oo Nacam-yaal noqonwaayey iyo kuwa cusub oo horay batarigi uga dhamaaday.

Waxaa warku sheegaya in duqi hore ee mogdisho Maxamed Cumar Xabeeb "maxamed dheere" uu iminka u sharaxanyahay wasiirka ugu sareeya amniga guud ee dawlada iyado la xusayo in wasiirka lacagta dawlada Cabdiraxmaan Yariiso loo magacaabi-doono Duqa magaalada mogadisho oo halkaas xilka looga qaadi-doono Eng.Cabdirisaaq Nuune oo hadda ah duqa magaalada Mogdisho

Sidoo kale xogtaas ayaa sheegeysa in Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Cali Axmed Jaamac [Jangeli] uu Madaxweyne Sh. Shariif codsaday in xilalkooda loo daayo, waxaana labadaas wasiir lagu tuhunsanyahay iney gorgortan ugu jiraan sidi ay uu xaraashi lahaayeen safaaradi Soomaalida ee Baris,waxayna qiimeyeen ku doonayaan ayaa la leeyahay illa shan malyan oo doolar.

Dhinaca kale Ururka Ahlusuna ayaa waxay ku yeelanayaan Golaha Wasiirada cusub ee DF ilaa 5-xubnood oo intooda badan ay yihiin jagooyinka Muhimka ah, iyadoo aan weli la shaacin jagooyinka ay qabanayaan hasa ahaate General Maxamed Nuur Galaal oo ka mida Aasaasayaasha Ahlu-sunaha ayaa la carbaabaya in loo wado jagada wasiirka gaashaandiga, halka Mahdi Daahir Shiikh Nuur Awrtable u qaadan-doono xilka raisal wasaare ku xigeen oo uu badalidoono Ina Cumar Cilmi Goon-jeex.