Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

* * * Koffee Epresso * * *

Friday - March 26, 2010

Waa News Gaar ah oo Aad nooga baran-doontaan todobaadkiiba maalinta Sabtida ,waxaana ku magacaawnay "Koffee Expresso" la socod wanaagsan'      

                            ------------------------------------------------------ 

Nasaarada reer galbeedka ee nerfuhu la kacay nacatooyada islaamka, dhaqanka uu ah ineysan ciyaar iyo kaftan uu qaadaan qiisaska iyo saadaasha ka dhex jira mujtamacyada islaamka ayey dhawaan go'aansadeen iney qaybaha sir-doonkooda ku kordhiyaan waaxyo si gaar ah uu qaabilsan dabagalka raadka Mahadiga ay bulshada muslimiintu badankood aaminsantahay.

Waxaana ka mida qisooyinkaas Reer galbeedku ka argagaxsantahay in dhawaan u soo bixi-doono Nin xag alle ka amran .. seeftiisuna galka diideyso .. dirirtiisu waa halac nuuraaniya oo ku leefaya .. haddu maagana dagaal arlada ciirinaya .. dunida ka idleyn-doono fasahaadka iyo dulmiga garmaqaataha .. Ninkaas oo Mahdi ku magacaaban sida la sheegeyna gogosha uu sii xaaraya Nabi Ciise waxuu dunida ka sameyn-doona isbadalo meelkasta saameeya.

Sidaa daraadeed hay'ada sirdoonka gaashaanbuurta reer yurub intuusan bilaaban dagaalka Mahdiga mala-awaalkooda waxay sii diyaariyeen qorshayaal ay ugu magac-dareen "Samatabixin" ahna sidii is-baaro looga hortagi karo suuragalnimada odoroskaas,waxaana la sheegaya in cutubyo salabkoodu u dhanyahay si gaara loo carbinayo ay iminka tabar ku qaataan meelo ka mid ah lama-dagaanka cirida kulul ee bariga dhexe oo la qiyaasayo inu Mahdigaas ka soo daahiri-doono .

Waxaa warku intaa ku daraya in Boqorada ingiriiska Queen Elizabeth II iyo Pope-ka weyn Vatikan ee tashiga la dhaafsiinin markay timaado la dagaalanka islaamka ay xubin ka yihiin qorshahaas diyaar-gareyntiisa, isla markaasna uu Pope-ka uu isagu yahay marjaca sahanka la socda dhaqdhaqaaqa Mahdiga soo socda iyadoo dhawaan Pope-kaas sharaxaadiisa masiixiga diimeed ku cadeeyey in Mahdigaas hana qaad noqday, uuna dhashay labatan sano ka hor haddana uu ku noolyahay tuulo aan sidaas uga sii fogeyn magalada Maka ee dalka Sacuudiga, walow mar hore uu hadal shicir ahaan ku yiri waxuu socod isaga dhex goosha magaalooyinka Sanca, Dimashaq, Ciraaq, indonesiya iyo Qaahira.

Warka ayaa intaa sii raacinaya in Pope-ka Vatikan-ka Pope Benedict u gacanta ku hayo buugaag taariikheed oo sir ah kuna xardhan qoraalo saadaal " Prediction" oo ay ka tageen jamaaco casharo ka qaadan jirtay Anbiyadi hore qaarkood, waxaa inta dheer oo Pope-ka golihiisa ku xeeran Curaafiinti cilmiyada falaga caalamka oo hagar la'aan uga soo waxyoota Ibliiska weyn ee carrshiga dhalanteedka ah ka sameeystay biyaha Jasiiradaha Baxr-dulimaadka .. tirada la sheegay saaxiriinta iyo faalalooga la joogta Pop-ka oo uu masruufo waxaa lagu qiyaasaa 17000 kun oo intaa mid walba qaabilsanyahay dabagalka iyo sixir qataarka musllimiinta ...Laakiin argagaxu waxuu sii kordhay markii faalka xidigaha ay falkiyeen qoomam Hindiga ka soo jeeda, kuna wargaliyeen madaxda masixiyiinta in geeska Afrika dhinaca Aaga Bari- Garowe illa Las-caanood laga gaaro Burco u ka soo socdo wiil xargagoys ah oo lugaha isgu-duwidoona dadyooga mandiqadaas,

Wiilkaas oo ay ku sheegeen magaciisa imaam Maxamed, kitaab wata, addimi-doona goor waaberi ah, waxuu arlada galin-doona hawlweyn isagoo qaadi-doona talaabooyin lagu baxnaaninayo iimaanka ...  Waxaase gaaladi ka sii amakaagtay markii faalaloowgi ku adkeysatay in iimaam Maxamed uu sii fuduud ku faramarooqsan-doono dalka itoobiya oo ciidamadiisa ay gaari-doonaan illa xadka Sudaan, dabadeed halkaas ciidamada Maxamed oo ku dhafan daraawiish suudaan iyo Masari ay kulaali-doonaa xadka Masar iyo israaiil halkaas oo ay magaalada Qudus irdaheeda ka soo gali-doonaan, waxaana halkaas waa sida ay sheegeene ku kala carraabidoona Sharka iyo Kheyrka.

Madaxdii Masiixiyiinta waxay is tusaaleeyeen in khatarta nabarkeeda soo socota aysan Eegmo ku xalismeyn sidaa darteed waxay talo ku gaareen iney basaasin dabagal sameeysa ay mandiqadaas ka abuuraan iyagoo adeegsanaya rabi ha naga duwe Niman Somaaliyeed xadaarada ka qaawan, gidaarka qaadka ku ruuga, aragooda laga naxo oo muminiinta si joogta ah ugu hamaa-sanaya ... sido kalana ay dhulalka bariga dhexna ka fureen xafiiso dabagalka mahdigaas 

Goobaha ay ka fureen xarumaha basaasnimada ku raad jooga Maxamedka la sheegay waxaa ka mida magaalada Bosaaso oo ay ka furantahay xarunta dhexe ee hawlahaas laga maamulo, sidoo kale waxa ay ka furanyihiin Magaalada Garowe,Burco, Gaalkacyo, Las-caanood, Hargeysa iyo Boorame oo iyadana todobaadkaan laga furay, madaxna looga dhigay sarkaal sare itoobiyaan ah, sida la sheegeyna dhamaan hawlwadeenada basaasiintaas waxay biishiiba maroojiyaan kumanyaal  doolar oo ay dabagalkaas ku fuliyaan.

Masiixiyinta sixir ay is tusaan iyo farsamo faal ay ku adeegtaanba waxay uu haystaan musllimiinta iny yihiin digo hoos ka nool korkana la moodayo degel ... galbeedku tuhun iyo baqdin awgeed waxay markasta mihindisayaan iney dad nabad u fadhiya muluq ka siiyaan, oo cishaba sidi awr qooqn meel kasta ku weeraraan ... galbeedku waxay ka cabsi qabaan islaamka maanta Bakeylaha ka liita inu liqo oo Alle waxuu ka qariyey lixaadkooda maroodiga u dhigma .. cabsida nala tusay waa islaam Ooda soo jabsaday ayey yiraahdeen gaaladi la wareystay.