Dhiiguna Waa Qul-qulaya Faataxo Ha Loo Maro .. Sacuudiga Oo Dil Ku Fuliyey Tiradi Ugu Badneyd Oo Ay Somali Ku Jiraan
Tuesday - July 8, 2025
Amnesty International, ayaa warbixin ay soo saartay shalay oo Isniin ahayd ku sheegtay in Sacuudi Carabiya ay sanadihii u dambeeyay dil ku fulisay dad badan oo ajnabi ah oo ay ku jiraan Soomaali, gaar ahaan dambiyada la xiriira daroogada.
Hay’adda ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay gaartay heerkii ugu sarreeyay tirada xukunnada dilka ah ee lagu fuliyo dadka ajnabiga ah ee ay ku jiraan Soomaalida ee gudaha Sacuudiga loogu geysto sababo la xiriira dambiyada daroogada.
Sacuudi Carabiya ayaa dil qoor-goyn ah ku fulisay 345 qof sanadkii hore, waana tiradii ugu badneyd ee Amnesty laga diwaan-geliyo soddonkii sano ee la soo dhaafay.
Hay’adda xuquuqul insaanka u doodda ayaa sheegtay in Lixdii Bilood ee la soo dhaafay oo kaliya lagu fuliyay 180 qof, waxaana suuragal ah in tiradaasi ay sare u kacdo.
Sacuudi Carabiya ayaa xukunka ku fulisay 1,816 qof intii u dhaxeysay Janaayo 2014 iyo June 2025, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, dhowr bilood ka dib sanadkaas, Sacuudi Carabiya ayaa bilaabay fulinta xukunka dilka ah ee shakhsiyaadka lagu helay dambiyada la xiriira daroogada iyada oo aan la sheegin wax sabab ah.
Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dhowr waddan oo ku yaalla Bariga Dhexe ee fuliya xukunka dilka ah ee lagu fuliyo dambiyada la xiriira daroogada, oo ay ku jiraan Iiraan, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta.
Ehellada maxaabiistan oo dhalinyaro u badan oo qaarkood BBC la hadlay xilligaas ayaa sheegay in markoodii hore ay dalkaasi u tageen inay ka shaqeystaan. Lama hubo inay ku jiraan dadka xukunka dilka lagu fuliyay iyo in kale.