Qarnigaan 21-Aad Cabsidu Waxay Noqotay Dareemada Bulshooyinka Aduunka Oo Dhan .. Laba Ayaa Cadaw U Ah Aadamaha: Waa Aqoon-daro Iyo Cabsi
Thursday - April 17, 2025
Waayaha iyo Wacdaradiisa, labaa cadow u ah Aadamaha. Waa Aqoon darro iyo Cabsi, labaduba shaqsiga waxay ka lumiyaan jihadda iyo hagayaasha dareenka oo ay kalsoonidu udub dhexaad u tahay, kalsoonida oo ah furaha guusha, waana silsiladdo isku taxan ama isku sidkan aqoontu ama khibraddu waxay shakhsiga u saamaxdaa inuu yeesho yool uu u hayaamo si uu u hanto kalsooni buuxda oo uu ku wejeho wakhtiga iyo waayihiisa nolosha, halka Cabsidu u keento shakhsiga indho la'aan iyo ismaqiiq isaga oo kasii fogaanaya xaqiiqda caqli galka ah iyo ku dhiirashada xaqiiqda ku xeeran caqabadaha nololeed
Waxaad mooddaa inay dunidu gashay mawjado cabsiyeed oo ay sababtay Siyaasadaha lagu jaangooyay is diidooyinka dhaqan-dhaqaale, taas oo lagu handado ama lagu harowsado caamada aan aqoonta u lahayn kala shaandheyta runta iyo beenta, dhabta iyo dhalanteedka, caqliga iyo caadifadda, markaynu dib u jaleecno taariikhaha tagtada, waxaa soo ifbaxay in kol-walba ay dunidu gasho marxalado dhaqaale oo salka ku haya awoodaha saami-qeybsiga siyaasadeed, ayaa waxaa lagu been guuraa maskaxda, qaadaa madhargaha si loo marrin-habaabiyo ama loogu awr-kacsado, iyagga oo lagu abuuraayo cabsi meel loo waayay .. inagga oo maanka ku hayna inay yihiin tirada ugu badan ee cod-bixiyayaasha ahna jaangoo-yayaasha siyaasada gudaha, meel walba oo ay dunida ka joogaan, kolkaa massuuliyiinta siyaasadeed ee Somaliya, waa inay ummadooda hagaan oo ay hogga-tusaaleeyaan shacab-kooda, si ay ugu jeexaan dariiq bilaa turxaan ah, iyagga oo ka saaraaya cabsidda iyo caadifadda aan caqli-gal ahayn, taas oo keenta nacayb aan caqli-gal ahayn, kooxaysi aan caqli-gal ahayn iyo ficillo aan caqli-gal ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, cabsidu waxay noqotay dareemadda bulshooyinka adduunka oo dhan qarnigan 21-aad .. Tignoolajiyada ama baraha bulshadda ayaa ah, goobaha loogu Qorayo-khaaqleeyo shacabka aan haysan hub ay isaga difaacaan beenta iyo cabsida salka ku haysa aqoon-darrada, tasoo ah aafooyinka ku habsadda bulshooyinka aan lahayn shuruucda iyo qawaamiinta xaydaabka u ah Qaranimadda intaasoo dhan,
Cabsidu waa fal-celin, u baahan in lagu wejeho jewi deggan oo lagu maareeyo shucuur ku jirta isku buuq iyo isku daadsanaan maskaxeed. Si kastaba ha noqotee, masuuliyiinta Qaranka waxaa waajib ku ah, inay shacab-kooda dusha saartaan oo ay kala dabaashaan hagardaamooyinka ay keenaan cabsi wadareedka uu wakhtigu keeno sida xaaladdaha aynu maanta ku suganahay.