Nolosha Waxay Is Badali-Kartaa Daqiiqado Gudahood Ee Daji Qalbigaaga Oo Xasili .. Ku Dadaal Waxa Ku Anfaca Oo Alle Weydiiso Gargaar .. Ha Niyad Jabin
Monday - April 7, 2025
Waxaa jira wax-yaabo ay qaddartu go’aamisay inay dhacaan, xitaa haddii aad dadaal badan geliso .. Waxaa jira dad noloshaada ka tagi doona, xitaa haddii aad u hurto jacayl iyo wanaag. Waxaa jira fursado aan kuu qornayn iyo imtixaano lama filaan ah oo kugu soo degaya.
Dhammaan waxaas iyo kuwo kale waa xaqiiqooyinka adduunka. Dabeecaddiisu waa mid aan dhammaystirnayn, sidaas darteed ha sugin nolol farxad iyo raaxo joogto ah.
Suurada Al-Mulk ilaahay wuxuu ku yiri: Eebe waa midka abuuray geerida iyo nolosha si uu idin tijaabiyo, midkiina camal wanaagsan."
Adduunyadu waa goob imtixaan ah, waana meel ay ku jiraan dhibaatooyin, caqabado, iyo tijaabooyin kala duwan. Fitnada iyo wax-yaabaha kugu dhacaya waa kuwo aan laga baxsan karin.
Waligaa ma gaari doontid xasillooni iyo deganaan dhammaystiran ilaa aad aqbasho xaqiiqada adduunka, kuna qancdo qaddarka Alle. Waxa lagaa doonayaa inaad dadaasho, doorarkaaga xaqiijiso una hoggaansanto amarka Alle .. Rasuulka CSW ayaa xadiiskiisa ku yir: "Ogow! Wixii ku helay ma ahayn wax kaa baaqan lahaa, wixii kaa baaqdayna ma ahayn wax ku haleeli lahaa."
Noloshu waxay is beddeli kartaa daqiiqado gudahood Sidaas darteed, ku dadaal maalintaada qalbigagana dejiso. Wixii Rabbigaa kuu qoray, waa wixii dhici doona .. "Ku dadaal waxa kuu anfaca, Alle weydiiso gargaar, hana niyad jabin."