Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 January 2025

Taariikhdu Waa Marag .. Nolosha Waa Xasuusta .. Qisadi Amakaabka Iyo Yaab Iyo Wiilki Yaraa Ee Kismaayo Gaalka Ku Tooreeyey Iyo Siyaad Bare

Friday - January 17, 2025






Sanadkii 1982 maalin aroor oo subaxnimo waxaa si kedis ah magaalada Kismaayo kormeer ahaan u yimid madaxweyne Maxamed Siyad Barre .. markaasaa madaxdii degmada iyo kuwii gobolku kala carar bilaabeen oo odaygii lagula shiray Hotel Waamo oo markaa loo yiqiin Dalxiiska Waamo.

Iswareysi ka bacdi iyo warbixintii madaxdii gobolku ayaa mar qura taliyahii ciidanka booliska ee Degmada kismaayo Oo la oran jiray Korneyl Aadan Foor-foor oo la dhashay Generaal Matukade ayaa madaxweynaha u sheegay in wiil Yar oo 15 jir ahi uu tooreey Mindi ku dhaawacay nin Gaal ah oo engineer ka ahaa shirkadii (Texaco) oo markaa shidaal ka baareysay deegaanka loo yaqaan " Kudhaa" ee kismaayo u jirto 50 km .

Markaasaa madaxdii gobolku ka daba qaateen oo yiraahdeen "tii u darneyd ayaan kaa ilaawnay jaalle madaxweyne oo waa jirtaa arintaa waanu xirnay yarkii, shirkadiina dhaawacii ayey u duulisay Nairobi si loogu soo daweeyo" .. Madaxweyne Siyaad ayaa suul ku yiri " ooYaa idin Yiri Caruur Ayaa La Xiraa, mase weydiiseen wiilka yar waxa isu geeyey isaga iyo ninka gaalka ah?"

Qoladi masuuliinta Gobolka waxay yiraahdeen "Maya Jaalle Madaxweyne ma aanu weydiin” ayey ku jawaaben .. Isla markii Siyaad barre wuxuu amray in la soo daayo wiilkii yaraa loona keeno si uu u wareysto .. Madaxdii gobolkana waxa uu ku amray inay meeshooda joogaan tan iyo inta uu wareysanayo,.

Waa loo keenay markuu weydiiyey madaxweynuhu sababta wiilka yar uu u dhaawacay ninka ayuu wiilkiiku jawaabay "Adeer anigoo geelayagii la jooga ayuu ii yimid oo intuu warqad ii saaray Cawradiisa gacanta ii haadiyey, ana waan xanaaqay oo toorey ayaan kaga dhuftay cawradiisii iyo calooshana waan ka dhaawacay oo been ma kuu sheegayo"

Wuxuu ku yiri adeer run inaan ii sheegeyso shaki iigama jiro, waad ku suubisay waayo inuu xerada uu deggan yahay dibada uga baxo isagoon boolisku la socon ma aheyn, oo isagaa is dilay adiguna dambi ma lahid hadda ka bacdi wixii sidaa kuula dhaqma dil.

Intaa ka dib Siyaad Bare wuxuu ku amray in taliyaha saadka ee ciidanka uu wiilka ka xeeyo rashina u qaado uuna geeyo degsiimadooda oo ku dhoweyd degaanka Kudha.

Waxaa isna shirkii yimid oo maqlay ninkii mareykanka ahaa oo madaxda ka ahaa shirkadda oo filayey in uu helayo raali-gelin madaxweyne, maadaama mid ka mid ah shaqaalihiisii la dhaawacay, bacda salaan iyo wareysi ka bacdina hadal gaaban ayuu madaxweynuhu ku yiri "i Maqal Wadankaan Soomaaliya Ayaa la dhahaa dadkaana waxaa la yiraa Soomaali, la mid ma aha Afrikaankii aad arki jirteen waxaan kugula talinayaa inaydin dibeda uga bixin xaruntiina haddaanay ilaalo idin la socon, ninka wiilka yar uu dhaawacayna isagaa is dilay muxuu ka doonay baadiyaha iyo caruuraha geelooda ilaashaana?"