Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Gaalada Oo Hadda Cilmi Baaris Ku Ogaatay In Dhirtu Hadlaan
Tuesday - January 14, 2025
Inkasto Alla kitaabkiisa qu'raanka horay noogu sheegay in Geedaha iyo Buuraha Tasbiix-sadaan oo hadlaan, hasa-yeeshe reer galbeedka masiixiyiinta arintaa meysan ogoleyn, balse dhawaan iyagoo isticmaalya qalab casri ah waxay Cilmi-baaris ku ogaadeen in dhirta ay maqli-karaan codad gaar ah!
Cilmi-baarayaasha waxay ogaadeen in Dhirta, sida Yaanyada iyo Canabka, ay soo saaraan dhawaaqo yar-yar oo Ultrasonic ah marka ay u baahan-yihiin Biyo ama ay dhaawacmaan.
Dhawaaqyadan, oo aan dhegaha bini’aadamka maqlin karin, waxay xambaarsan-yihiin fariin degdeg ah oo u muuqata inay Dhirta kale u sheegayan inay ku jiraan xaalad adag.
Tani waxay ka dhigan tahay in Dhirtu aysan kaliya u ekayn kuwa aamusan, laakiin ay yihiin makhluuqyo firfircoon oo fariin si gaarsiin-kara .. Akristow Saynisku waa mid cajiib ah oo aan dhammaad lahayn