Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 8 January 2025

Arlada Lur Weyn Baa Ka Jira .. Hadba Meel Ku Duul Waa Waxaan Laga Macaasheyne .. Beesha Sacad Oo Weli Dirir Eegeysa IYo Leelkase Oo Suunka Giigsaday

Saturday - December 28, 2024


Waagi Beryaba Waayo Leh .. Wararka ka soo dhacaya dhinaca Puntland waxay sheegayaan in Maleeshiyaadki kibirku u baaqay ee beesha Sacad ay weli si indha-adeyg ah iyo hawo beena u wadaan hawlgal dagaal is-maqiiq ah , laakiin wax ilaa hada ay guul ka gaareen ma jirto oo waxaa gaaray nabar weyn, balse sida la xaqiijiyey waxaa ku dhacday guul-daradi u weyneyd oo dhimasho iyo dhaawac leh, hasa-ahaate dhinaca Maleeshiyaadka Leelkase oo mar dambe qaaday gurmad weerar kiciyey iyo iyago isir iyo Ab u leh geesinimo iyo inaan Buntukh lagu waabin-karin aan ka leexan boqolaal iyo jar iyo ma daama ay ahaayeen difaac loo jilib dhigay waa ku yar-tahay dhimashada iyo dhaawaca, waxaase Carrabka lagu dhuftay in dhimasha-dooda "leelkase" aysan ka badneyn labo iyo labo dhaawaca ah .. Sida muuqata Alle bay tiisa tahaye, Sacad iyo Leelkase wey kala gurteen

Maleeshiyaadka Sacad oo talo xumo dhawr jeer dagaal soo qaaday, haatana weli u taagan oo sida muuqata aan naftooda u tureyn,waxay macaashayaana aan la garaneyn waa loo taag la'yahay, malaha-se waxay u baahan-yihiin in culimo loo tuunsho oo markaas Qardhaas lagu taxo, laakiin koleyba haddi reerku Mawdku ku taagan-yahay looma taag-helaayo, oo Fal-falxuma-dooda iyo daan-daansigooda baa un badnaan-doonta.

Arintu si kastaba ha noqote, waxaa warku intaa ku daraya oo la leeyahay sheekadaan isku dhaca waxaa dabada ka riixaya shakhsiyaad Tijaara Naar afuuf ah oo Mogdisho ku sugan, ujeeda-dooda iyo siriqda la qoolay ay tahay in qaran iyo qabiil laysku hoos qariyo oo halkaas si gaar ah Maamulka Puntland Fitnada Dabku gaaro .. Waxaa kalo warku tibaaxaya in maleeshiyaadka Leelkase si xeelad Taatiko ah ay Urur Urur isu habeyeen lana kala fariisiyey Surino iyo Aagag kala duwan , isla markaana waxay xoojiyeen Sahama-dooda iyo kuwa la ordaaya Taakuleynta Rasaasta .. arintu kolba mooyi sey noqon lamana garanaayo hadaan la helin heshiis iyo isa-saamaxid .. Hadba meel ku duul waa waxaan laga macaasheyn Ee Nabad baa macaan ee Allow maanta nagu caawi