Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 8 January 2025

Dagaalka Ka Dhex Socda Beelaha Sacad Iyo Leelkase Ma Aha Mid Loo baahan-yahay .. Baaq Nabadeed Oo Ay Soo Jeediyeen Jaaliyada Leelkase Ee Waqooyi Ameerika " Ameerika-Kanada"

Wednesday - December 25, 2024




Bismilaahi Al-Raxman Al-Raxiim .. Hadaan nahay bulshada Leelkase ee ku nool waqooyiga Ameerika, waxaan ugu horaanti ka tacsiyadeynaa khasaaraha Naf iyo Maal-ba ee ka dhashay dagaalki ayaan-darada ahaa ee dhex maray beelaha Sacad iyo Leelkase, dagaalkaaso ahaa mid dhaawacay niyada guud ahaan dadka somaliyeed gaar ahaan Bulshada Puntland Iyo Galmudug Ee wada-noolaashaha astaan u ahaa

Hadaba anago qaadaneyna waajibaadka Odeynimo iyo masuu'liyada naga saaran ilaalinta iyo joogteynta nabada mandiqada ayaa laysugu yeeray shir xaga khadka isgaarsiinta oo loogu tashaday talaabada noga aadan xalinta dhacdadaan nasiib darada ah ee ka dhex taagan Leelkase Iyo Sacad-Habargidir .. kadibna shir-gudoonki waxuu soo saaray Baaqaan:

1. In si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka.

2. In arrimaha la isku hayo lagu dhammeeyo wadahadal.

3. In la wacyi-geliyo bulshada deggaanka ah, loona tilmaamo ahmiyadda nabadda ugu leedahay gobolka, wixii khilaaf ahna lagu dhammeeyo siday shareecada islaamku qabto.

4. In la ilaaliyo wada-dhalashada dhexdeena ah ee uu Islaamku na walaaleeyay, si wadajir ahna looga soo hortago wixii dhaawacaya walaal-tinimadeena iyo xasiloonida gobolka.

5. Iyo ugu dabeyntii in dadka hurinaya oo dacaayad u sameenaya colaadda ay Allaah uga cabsadaan, kana digtoonaadaan cawaaqib xumida ka imaan karta colaadda.