Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 8 January 2025

Dhimashadi Geesigi Weynaa Saxaabiga Ahaa Ee La Oran Jiray Khaalid Binu Waliid " Seyfulaah Al-Masluul" .. ILaahay Janada Ha Ka Waraabiyo

Saturday - December 14, 2024



Khaalid binu waliid ibnu Muqiirah "Seyfulaaah Almasluul" waxa uu ka dhashay qabiilkii reer banii Makhzuum oo kamid ah qabiiladii ugu waaweynaa jasiiradda carabta iyo magaalada Makah, reer banii Makhzuum oo ah qabiilka uu ka dhashay Khaalid ayaa meel sare iyo sharaf ku dhex lahaa Qureysh xilligii jaahiliyada .. Khaalid ayaa ka hor islaamidiisa kamid ahaa ragga sida aadka ah u necbaa diinta Islamka iyo nabiga NINKH shakhsi ahaan isagoo ku dadaali jiray in la cirib tiiro diinta Islamka, 

Khaalid binu Waliid ayaa ku hanuunay diinta Islaamka ee sharafta leh bishii safar sanadkii 8-aad ee hijriyada lix bilood kahor fatxu Makah kuna beegneyd ka hor laba bilood dagaalkii Mu’tah, waxaana islaamidiisa isaga iyo nabiga u kala dab qaaday walaalkii waliid ibnu waliid .. Duulaamadi Uu Ka Qayb-galay Ciraaq, furus, Shaam iyo Ruum.

DHIMASHADIISI: 18-kii bisha Ramadaan sanadki 21-aad ee hijriyada ayuu geeriyooday geesigii weeyna ee Islaamka Khalid binu waliid markii uu sakaraatka usoo xadiray ayuu ilmeeyay oo murugooday Khaalid isagoo ka xun in uu maanta sariirtiisa ku geeriyoodo oo waxa uu jeclaa in uu ilahey la kulmo isagoo Shahiid ah waxaana hadaladii ugu dambeeyay ee laga hayo kamid ahaa "Waxaan joogay dagaalkaa iyo dagaalkaa waxaan xadiray Macrikadaa iyo Macrikadaa korkeyga meel fayow malahan oo dhamaan waxa ku yala dhaawacyo mantana waxaan ku geeri-yoonayaa Sariirteyda sida Awrka uu u geeriyoodo"