Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Bishaar Asadow Waxaad Darajo Mooday Dib Ma Uga Shaleeyday .. Wax Badan Baad Colaad Baafisay Ee Wiish Ma Kuka Booday .. Hambalyo Guusha Shacabka Muslimiinta Ee Suuriya

Monday - December 9, 2024




Waxaan hambalyo wayn u diraynaa shacbiga musliminta ah ee dalka Suuriya oo 50-Sano ka dib iska dul qaadey dhibtii iyo xasuuqi lagu hayey 10-kii Sano ee u dambeyay waxaa dalka jamhuriyada Somali u soo qaxey Kumanaan shacbigaas ka mid ahaa gobta ah.

Dagaalka Suuriya waxa u jeedkisu ahaa dagaal Diin ku dhisan waxa meesha ku dagalamayey shacbigi Suniga ahaa iyo Asad-kii dhiigyo cabka ahaa oo watey Shiico badan oo dawlado waaweyn ku jiraan iyo xisbiyo bariga dhexe ka jira.

Hambalyo ilaahey ayaa mahad leh mar kasta falistiina way xaroobi-doonta dhawaan dhibkuna waa iska dhammaan-doona insha allah ..  

Maxaa keenay Guushan deg deg ah?

Guusha waxaa keenya 4 qodob oo kala ah:

1. Tala saarasho ilaahey iyo ilaahey oo gacan-tooda galiyey Guul wayn shacbigaas musliminta ah ee Suniga ah.

2. Taagerida dawlado badan sida dawlada Turkiga oo si toos ah dagaalka uga qayb qaadetay.

3. Kooxda dagalemaysay oo strategy cusub la tami o xaga dagaalka ah iyo isku xirnaan dheeri ah kala dambayn.

4. Technologiyada dagaalka loo isticmalay sida TB2 oo furimaha ka dhigtey casharo lama ilaawaan ah.
Dhaq dhaqaaqa meesha qabsadey ilaa hada si wacan ayey u wadaan hawlaha iyo strategy waana la wada soconaa hawlaha sida daradeed waxa ay u bahan yihiina in ay maamul daadijin deg deg ah sameyaan oo hawluhu halkii kasi socdana isla markaana aaney Aar gosana taasna waan waa laga filayaa insha allah.

Ugu dambayntii waxaan leeyahay gabaygii ahaa "Bawdada nimey kaga dhacdiyo Boqonta mooyaane , Gobonimo bilaash laguma helo ban iska taal taal, sida daradeed Guul wayn Guul waarta insha allah musliminta meel walba ay joogaana .. 08 Dec 2024 maalin Axad ah waa maalin wayn taas oo wax badan soo Af meertay waxaan eegi doona saamaynta iyo waxa iman kara mustaqbalka.

Ilaahey ayaa mahad leh .. Aad baad u mahad santihiin saxibayaal.