Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Waa sheeko Soo Taxneyd Oo Laga Dhaxlay Awoowe Ka Awoowe .. Tanade/Lelkase Markay Tanade/Lelkase Ahaayeen .. Boqorki Bari Boqor Cisman Boqor Maxamuud Iyo La Kulankisi Odayaashi Talo Iyo Tawfiiq EeTanad

Tuesday - December 3, 2024




Qiyaasta sida la xusay 1927 illa 1930, waxaa magaalada Bosaaso lagu xiray Nin Reer Tanade ah oo mar xabaalaha ka qodi-jiray degaanka Mudug kadibna Cid dhimata marku waayey ayuu noqday Nin iska Busaaradsan oo magaalooyinka Bari isaka wareega .. Ninkaas oo ka tagay xagaa iyo Mudug waxaa lagu xiray Degaanka Bari oo xiligaas u ka talin jiray Boqor Cismaan Boqor Maxamuud .. Ninkaas ma daama lagu soo eedeeyey inu Boqorka salaami diiday waxaa lagu tuhmay inu murtiyey, dabadeedna waxaa loo gudbiyey xabsi degaanka ku yiilay 

Reerki reer Tanade /Leelkase ee Mudug joogay waxaa soo gaartay in Ninki Hebel ahaa xagaa iyo xabsi ku yaal Bari lagu xiray .. Culimadi iyo Cuqaashi Madax Talo iyo Tawfiiq ee Reer Tanade/Leelkase ee dhaqan yaqaanka ahaa, ayaa safar ugu jiheystay xagaa iyo Bari, kadibna waxay la kulmeen Boqor Cismaan .. Salaan iyo soo Dhaweyn kadib  Boqorki oo yaaban ayaa yiri: Ar waa cajab cajab Reer Leelkase maanta shiikh iyo shariif waa soo duusheene ee tolow maxaa Daran oo aad igu soo booqateen .. Oday dhaqmeed Bidaartu dhagax noqotay Sadex Meyl dhalaal-keeda laga arkaayo, oo hadalki bilaabay ayaa yiri: Salaan ka bacdi waxaad tahay Walaal iyo Boqor la jeclyahay, waxaana kula rabnaa wanaag ee Boqorow waxaa naga xiran nin Odey dhaqmeed ah oo xagayaga marataba weyn ku leh, oo lagu soo eedeeyey inusan Salaanta kaa qaadin .. waana kaa raali-galineynaa ee Wiilka dhaaf oo iska cafi

Boqor Cisman oo codsigaas wax muran ah kama ka keenin jawaabna ka celiyey ayaa yiri: Ar Duf ku bax dheh, oo muxuu igu sheegi-waayey inu Oday dhaqmeed reerka yahay .. Waxaa loogu jawaabay oo la yiri: Malaha Boqorow waxay u egtahay inu rabey inaad ogaato in Ehel iyo Tol ka dambeeyaan .. Boqorki ninki deg deg buu u amray in xabsiga laga soo daayo oo la raaciyo wafdiga Tanade/Leelkase ee ka yimi dhinacaa iyo Mudug

Muddo Kadib waxaa Boqor Cismaan la soo gaarsiiyey war sheegaaya in ninki Reer Tanade/Leelkase ee xabsiga laga sii daayey, u markiisi hore shaqadiisu ahayed Xabaale Qode Haddana u yahay Ari raac oo aysan meelna ka soo galin Oday Dhaqameed iyo wax la mida  

Boqorki oo ka gadooday warka soo gaaray iyo Riwaayada loo dhigay darteed, wuxuu diray ergey Gar u dhigta Odayaasha Tanade oo soo weydiiya sababta ku kaliftay iney ninkaas Ari raaca ah ku sheegaan maratabad usan lahayen .. Odayaashi Tanade/ Leelkase waxay ergeygi ku yiraahdeen: inanka doobinaayow denbi meesha kama dhicin, Haatan Dan Iyo Hadal, Anagu hadaan nahay Reer Tanade Boqolaal Muftaax ayaan hayna Albaabada ku Furnaa, Hadal-se wuxuu ku kooban-yahay  "Qabiil aan Nin-kooda Daciifka Ah xuquuqdiisa markay Dayacanto amase Bohol lagula dhaadhaco hadeysan Reerku daafcin dee Qabiil jira ma aha kheyrna ma laha" .. Ergeygi Boqorku soo diray arinti waa ku cuslaatay wuxuuna arkay sida loogu jilib dhigay iyo Ragaan aftahamo awgeed aysan jirin bar looga baxo, ugu dambeysna Tukihi Bari Ka Yimi, wuxuu door biday inu dib isaga laabto oo aamusnaata iimaansado.