Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Waa Maali Jimce Ee ILaahay Ha Na Waafajiyo Kheyrka Iyo Barakada Ay Leedahay .. Baadi-Goobka Raaxada Xagee Bay Jirtaa?

Thursday - November 28, 2024





Maalin ka mid ah maalmihi Nabi Maxamed SCW u la kulmi jiray Malaka Loo Yaqaan Jibril CSW, waxa nabi maxamed u kulankaas jibril ku weydiiyey su'aal u ku Yiri: saaxib Jibril waligaa amase Abid marna ma qososhay? .. Malak Jibriil ayaa yiri: Haa waan qoslay, dabadeed Nabi Maxamed ayaa yiri oo maxaad ku qosashay?

Kadib, Malak Jibriil ayaa isagoo jawaabaya yiri: ILaa iyo Markii la Uumay Bani'aadamka laga bilaabo marku dhashay illaa inta u ka dhimanaayo waxuu markasta raadiya wax aan aduunka ilaah-ba ku abuurin .. Nabi Maxamed oo yaabay ayaa Yiri: Oo Jibriilow Maxay tahay waxaas aan dunida lagu abuurin oo ay Dadku had iyo jeer raadinayaan .. Malak Jibril wuxuu ugu jawaabay oo yiri: Waxaa iga qosliya oo dadku raadinayaan waa waxa la yiraahdo "Raaxada" taaso oo ah mid aan ilaah kuba abuurin Dunida dusheeda, balse Raaxada waxaa lagu abuuray Aakhirada kaliya oo loogu tala galo kuwa janada muteystay, matalan ayuu yiri: Wiilka yar wuxuu intaa ku haya gormaan koroya aan raaxeyste, kan dhalinyarada ahna wuxuu yiraahda: Alla mar hadaan u noqon-lahaa caruur-nimadeydi, sidaas oo kale Odyga waayeelka ah wuxuu ku taahaa in haddi mar un loo celin-laha dhalinyaradiisi hore si uu raaxeysto

Sidaas oo kale, Hablaha guursaday waxay iyaguna ku taahaan haddi mar un gabarnimadi hore ku soo noqdaan, sidaas oo kale mid kale oo aan caruur dhalin ay jeceshahay iney mid qura un dhasho .. sidaa oo kale gabadha inanta ah waxay iyadana ku hamineysa iney guursato, sidaas oo kale waxaad arkeysa nin xaas leh oo mid kale raba inu ku raaxeysto .. Malak Jibril wuxuu hadalkiisi ku soo koobay Raaxo aduunka looguma tala galin, balse Raaxada runta waxay ku dhex abuuran-tahay Janada Aakhiro.

Mahad oo dhan waxaa iska leh allaha abuuray, barbaariyey, maamula ee abaalkeedana siin-doona Insi iyo Jin maalinta abaalmarinta Eebahaas ayaanu kaalmo ka rabnaa aduunka iyo aakhiraba, waxaan Alle weydisaneynaa inu dariiqa toosan dhamaanteen nagu hago