Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Axmed Madoobe: Saldanada Aan Haysto Dhayal Kuma Aan Gaarin Ee Gunyo Iyo Naf Baan U Huray .. Dhalinyaradi ILma Qansax-Qurac Oo Difaac Iyo Keeb La Yuurara

Monday - November 11, 2024




Kismaayo  – Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta abaabulay kulan la isugu keenay dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo, waxaana laga soo saaray go'aano lagu taageerayo qorshaha Jubbaland ay ku geleyso doorasho aysan raali ka aheyn dowladda federaalka.

Qeybaha kala duwan ee Dhalinyarada degmada Kismaayo ayaa galabta magaalada ku qabtay kulan balaaran, waxayna si cad u taageereen mowqifka madaxweynaha Jubbaland ee arimaha doorashooyinka.

"Haldoorka Dhalinyarada oo inta badan kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in aysan gorgortan ka galaynin taageerada iyo garab istaagga dowladda ee arimaha doorashooyinka iyo xoojinta amniga deegaanada Jubbaland" ayaa lagu yiri qoraal iyo sawirro uu baahiyey TV-ga Jubbaland.

Xildhibaanada BFS ee ku sugan magaalada Kismaayo oo war-saxaafadeed ka soo saaray maanta arrimaha doorashootinka ayaa la saftay Axmed Madoobe waxayna dowladda federaalka uga digeen inay soo faragashato ama qalalaase ka abuurto doorashada Jubbaland.

"Xildhibaannadu waxay ugu baaqayaan DFS in ay joojiso fara-gelinta sharci darrada ah ee ay ka wado deegaannada Dowlada Jubbaland, gaar ahaan faragalinta doorashada Amniga iyo kala qaybinta Bulshada," ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah qoraalkii xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaanada ku sugan Kismaayo ayaa dowlad goboleedyada kale ugu baaqay in ay qabsadaan Doorashadooda, si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka iyo Dastuurradooda, kana waantoobaan muddo korarsi sharci darro ah.

Axmed Madoobe ayaa abaabul culus ka wada Kismaayo, waxaana ka go’an inuu qabsado doorasho uu hubo inuu ku soo laabanayo, balse dowladda federaalka ayaa sameysay qorshe kasta oo damaca Axmed Madoobe ay uga hortegi karto.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka baaqday Ra’iisul Wasaare Xamsa oo damcay inuu u safro Kismaayo, balse waxaa si cad ugu diiday maamulka Axmed Madoobe oo gacanta ku haya maamulka garoonka diyaaradaha.