Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Akhristow Walaal Marna Ma Qiimeysay Faaiidada Ay Ku Leeyihiin Lixda Lixaad .. Qiso Lagu Cibrad Qaato ..

Monday - November 4, 2024





Nin Magaciisa la oran jiry Cabdalla Bin-Camah, wuxuu ahaa nin xubnihiisa jirka qaar ka mida shaqeyn-waayeen, sidaa daraadeed wuxuu noqday Qof baraalis ah " Meyd Oo Kale" .. Cabdalla oo aan lahayen awood u ku socod ma dhaqaaqi-karin, hasaahaate madax kaliya ayuu dhaqaanjin-kara .. Cabdalla wuxuu nafsadiisa ku dhihi jiray: Waxaan ahay Qofka ugu nasab daran dadka aduunyada, balse noloshiisa ay ku soo idlaatay silicaan.

Maalin maamaha ka mida Cabdalla oo isaga jira murugo iyo eed-sheegasho, waxaa nin ka mida qoyskiisa oo xag Alle laga soo idmay baa Yiri: Cabdalle Ma ku soo tusaa qof adiga kaa sii daran? markaas ayuu Yir: Ha Ha! .. Hadaba waxaa loo geeyey nin sidiisa oo kale ah, laakiin ka sii liita, oo aan hadli-karin waxna maqli-karin, madaxna ma dhaqaajin-karo, intaas waxaa ka sii daran waxaa dhacday mar iney Ehelkiisa ay arkeen asagoo ooyaya oo ilin ka socota, dabadeed markay sii fiiriyeen bal waxuu la ooyaayo, waxay arkeen Dhiig markay sii raaceena dhiigi waxay arkeen in laba farood ay go'an tahay, waxayna ogaadeen inu gostay Dooli .. waayo intaas oo u dhib maraayey isagu ma qaylin-karin, mana dhaqaaqi-karin.

Cabdala Bin-Camah ayaa marku arkay xaalada u ninkaas ku sugan-yahay, waxuu ogaaday inu ku sugan-yahay Nicmo weyn, isla markiina ilaahiis ku mahadnaqay .. Hadaba Walaal  marna ma qiimeysay faaiidada ay ku leeyihiin Gacmahaaga, Lugahaaga, indha-haaga, dhagahaaga iyo Codkaaga, sidaa daraadeed walaalayaal markasta ku shukri Ilaaha oo cashar ha ku noqoto qisadaan