Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Dhacda Walba Xasuusteed .. Askarigi Gobanimada Dalka Burkino Faso Kaptan ibrahim Traore Oo Wax Bog Iyo Baabaco Leh Oo Loodiya La Waayey .. Hooyadiis Baa Nin Dhashay

Friday - November 1, 2024




Sarkaalka halkaan kaaga muuqda waa Kaptan Ibrahim Traore, oo ka soo jeeda dalka "Borkino Faso" gaar ahaan Qabiilka Dioola qoys ahaana waa muslim  .. Kaptan Ibrahim Traore, oo dhawaanta afgambi ku qabsaday dalkaas, wuxuu isla markiiba isku magacaabay madaxweynaha dalkaas, kaas oo ah kan ugu Da' yar hogaamiyaasha Afrika .. Ibrahim wuxuu dhashay 1988

Madaxweyne Ibrahim Traore, oo maamuladi hore oo dhan baro dhaafsiiyey Arji bu u diray shacabkiisa gacal iyo sokeeyaba u ku leeyahay: Col iyo Abaar cagahaaga lagaga baxaa, wuxuuna markiiba soo saaray ereyo iyo  go'aano ku xardhan Dahab kuna qotoma wanaag iyo garad sareya ka tarjumaya madax-banaanida dalkiisa, wuxuuna ka kow yiri: Reer galbeed Lugtay nagu walaaqayaan, Dulmiga iyo dhibaatada dagaalada dadkeygi Burburay iyo faqriga ayagaa na baday .. dalkaan horaa loo iibsaday oo nala ma ogeysiin, isla markaana afrika oo idil fadqalalo iyo dhibaato la dhex dhigay .. Wuxuu yiri: dawlada Faransiiska waa u dhacay xidigoodi ee yeysan nola iimaan wax aan loo fadhin

Faransiis Dalkeena bur-bur bey la jecel-yihiin, waxayna rabaan in ciidan-kooda sii joogaan, laakiin kama yeeli-meyno , sidaa daradeed ciidamadaas dhamaantood waa iney ka haluulaan Carriga Burkina Faso, isla markaana wuxuu  kalo amar ku bixiyey in Macaadinta "Uranium-ka"  laga joojiyo shirkadaha Mareykanka iyo Faransiiska .. Waxaase markaas inagu waajiba ayuu yiri sidii Reer Burkino Faso wada jir wax loogu qabsan-lahaa

Madaxweyne Ibrahim ayaa ku goodiyey in ay dhamaatay Zamanki shisheeye lala qooqi jiray ee reer galbeedka ay ku adoon-sanayeen Afrika, waxayna maanta joogta Ama wadanka ama dhimasho