Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Waa Qiiso Wanaagsan .. Waxaa Igu Filan Haddi Aan Nabiga Ku Saliyo

Thursday - August 15, 2024





Waxa jiri jiray Wadaad aad loo qaddariyo oo iimaanku qanjaha joogo. Mar kasta oo uu doonayo in uu wax sameeyo waxa caado u ahayd in uu yiraahdo: "Haddii Nabiga lagu salliyo Inshaa Allah wax walbaa waa hagaagayaan".

Wadaadka waxa deris la ahaa nin Yuhuudi ah oo ay mar walba sheekeysanjireen .. Yuhudigu Mar kasta oo Wadaadku erayadaas ku hal-qabsado waa uu la yaabi-jiray, waxana uu maalin weydiiyay waxa uu ka faa’iidayo ku sallinta Nabiga SCW!

Wadaadkii waxa uu yiri: "Waxa igu filan haddii aan Nabiga ku salliyo in aan murug oo dhan kala dheeraanayno” .. Yuhuudigii waxa uu damcay in uu wadaadkii dhagro si uu muslimiinta ugu jees-jeeso, dabadeed Wadaadkii inta uu u tegay ayuu ku yiri: " Farraantigan ii sii haay safar baan gelayaaye inta aan ka soo laabanayo". Wadaadkii waxa uu yiri: "Haddii Nabiga lagu salliyo, wax walbaa waa hagaagayaan". Waxa uu ahaa farraanti magaca Yuhuudiga lagu xardhay oo calaamad gooni ah leh.

Yuhuudigii dusha sare ayuu gurigii wadaadka ka ilaalaystay, markii uu hubsaday in dadkii oo dhami ka maqan yihiinna inta uu galay buu farraantigii baaray, waana uu helay. Waagaas guryaha Alaabo badan lama dhigan jirin, irduhuna qufullo ma aanay lahayn oo ciddii doontaa si fudud bay ku geli jirtay.

Farraantigii inta uu qaaday buu badda oo meesha ka dhowayd ku tuuray. kadibna Inta uu soo laabtay buu wadaadkii u tegay oo farraantigiisii weydiistay .. Wadaadkii, sidii caadada u ahayd waxa uu yiri: "Haddii Nabiga lagu salliyo, wax walba waa hagaagayaan".Yuhuudigii ayaa si caro le ku yiri: "Farraantigaygii ayaan iminka kaa doonayaa".

Wadaadkii ayaa ku jawaabay: "Anigu maanta Nabiga salligiisa fadligiisa waxan soo dabtay kalluun wax ka weynaan badan, farraantigaagiina ku siin maayo adigoo aan ila qadayn".

Yuhuudigii waxa uu ogolaaday in uu la qadeeyo kadib markii uu wadaadka loodin waayay. Wadaadku xaaskiisii buu kalluunkii u dhiibay si ay ugu kariso.

Wadaadkii oo Yuhuudigii la fadhiya ayay islaantii u yeertay, si ay u tusto wixii ay caloosha kalluunka ka soo saartay. Markii uu faraantigii arkay waa uu naxay, waxana uu yiri: "Ilaah ba’an ku dhaartaye waa farraantigii Yuhuudiga”. Halkii uu farraantiga ku qariyay buu tegay oo ka baaray, waase uu ka waayay. Isaga oo yaabban buu Yuhuudigii ku soo laabtay.

Yuhuudigii wuxuu yiri: "Maxaa kugu dhacay argaggax baa kaa muuqda eh. Haddii aanad farraantigi i siin waxa aan kugu fadeexayn doonaa dadka oo dhan hortooda"

Wadaadkii hadal buu celiyey oo yiri: "Haddii Nabiga lagu salliyo, wax walba waa hagaagayaan" Yuhuudigii ayaa yiri: "U malayn maayo in aad maanta kadib Nabigaaga ku sallin doontid haddaanad farraantigaygii i siin, balse waxan kugu ceebayn-doonaa muslimiinta waxana aad tusaale u noqon doontaa wadaadada muslimiinta sida aan loo aamini karin".

Wadaadkii oo yaaban ayaa yiri: "Wallaahi farraantigaaga kama aanan fakarayn ee wax kale ayaan ka fekerayay. horta Hoo waa kan farraantigaagii eh" .. Yuhuudigi waa uu qarracmay, indhihii ayaana galalkii ka soo baxay isaga oo eeg-eegaya farraantigii oo rumaysan la’ yirina "Wallaahi waa isagii.. Wallaahi waa isagii!!!"

Wadaadkii waxa uu la yaabay argaggaxa ka muuqda Yuhuudiga, waxana uu ku yiri: "Saaxiib, maxaa kugu dhacay?” .. Yuhuudigii baa yiri: "Rabbigaaga ayaan kugu dhaariyaye sidee buu kugu soo gaaray?” .. Wadaadkii baa yiri: "Waad waalatay baan u malaynayaa! Miyaadan farraantigaaga igu amaanaysan inta aad safarka ka soo laabanaysid!"

Yuhuudigii ayaa yiri: "Rabbigaa ayaan kugu dhaariyaye xaggeed ka heshay?” .. Wadaadkii wuxuu yiri "Waxa aan ka helay kalluunka calooshiisa”.

Yuhuudigii markaas buu mar kale sii qarracmay, waana uu suuxay, markii uu soo miyirsadayna waxa uu wadaadkii uga sheekeeyay wixii uu sameeyay.

Wadaadkii ayaa yiri: "Adigu khiyaano inta aad farraantiga ku xadday baad badda ku tuurtay Allena awooddiisa ayuu farraantigii kalluun calooshiis ku geliyay, aniguna kalluunkii baan soo dabtay. Miyaanan ku oran haddii Nabiga lagu salliyo, wax walbaa waa hagaagayaan?”

Yuhuudigii wuxuu yiri: "Derisoow, run baad sheegtay, aniguna waxan qirayaa Alle mooyee Ilaah kale in aanu jirin, Muxamadna Rasuulkii Alle in uu yahay”.

Ku salliya Suubbanaha: Alaahum Sali Wa Salam Waa baarak Cala Al-Nabi, Sayidinaa Muxamed Al-Mukhtaar.