Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. A Wealthy American Oil Tycon Oo Bakhilnimo Awgeed Diiday Inu Wiilkiisa Afduuban Ka Dhiibo Lacag Yar "Ransom" Ah

Friday - August 9, 2024


Sanadku Marku ahaa july 10/ 1973, waxaa si lama filaan ah loo afduubtay Wiil u dhalay nin maal-qabeen ah oo magaciisa la oran jiray "Bol Getty" isla makaana madax ka ahaa shirkad isaga magaciisa ku isman "Getty" .. Maal-qabeenkaas oo maalikiisa lagu qiyaasay 2- Milyaar Dolar, waxaa Wiilkiisa afduubatay Mafiya, kuwaaso madax-furasho u so weydiisteen 7-Malyan oo Dolar.

Maal-qabeenki "Getty" oo isagu Garmaqaate ahaa, waa u diiday dalabki ay soo weydiisteen Maafiyadi wiilkiisa afduubatay, wuxuuna ku yiri: Aniga ma bixinaayo lacagtaas, Haddise aad dishaan aniga ilmo igu filan waan leeyahay ee waxaad rabtaan fala .. Nimanki Maafiyada ee wiilka haystay oo yaaban war ayey ku soo celiyeen Odagi Wiilka dhalay, oo waxay yiraahdeen: haddey saas tahay marka dalabkayagi hoos baan u dhiganay ee waxaa iska bixisa lacag dhan 3-Milyan oo qura

Arinti dhex tiil Maafiyadi wiilka haysatay iyo Odagi Maal-qabeenka waxaa markaan samata-bixin awgeed soo kala dhex galay qaar ka mida Maal-qabeenki ilmihiisa oo dhex dhexaadin galay .. Dood, ilaaq, buuq iyo is jiid-jiid kadib Odagay isagoo wax dhan ka dagaalamay bixinta lacgtaas, wuxuu ugu dambeyn ilmihiisi ka ogolaaday in 2-Malyan kaliya u bixinaayo, wuxuuna shuruud iyo xujo ka dhigay in wiilka lacgtaas laga bixiyey ay deyn ku tahay .. Wiilki afduubnaa lacag Lab Milyan ah ayaa si gorgortan ah xuriyadiisi loogu si daayey, hasa ahaate wiilkaas sanooyin kadib wuxuu u dhintay sabab la xariirta "Stroke Due A Drug Overdose"