Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Jimaca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Waa Qiiso Wax Ka Badali-karta Qalbiga Naafoobay .. Waa Qiso Nooleysa Naf Qayirmatay

Thursday - September 21, 2023





Nin Alle ku xiran ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo raacey Doon .. doontaas waxaa saarnaa dad aad u fara-badan, hasa-ahaate muddo markay socotay wey Gadoontay, dhamaan dadkii oo idil waxey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane..

Wuxuu in mudo ahba dabaashaba Xeeb ayuu ku soo gaaray si naf la-caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iska daayee.. Rafaad iyo Silac fara badan kadib ayaa waxuu bilaabay inuu dhisto Daash isaga oo soo aruursaday Xaabo Caws ah. Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado Geed miro la cuno leh, hase ahaatee waxuu dib ugu soo laabtay Daashkii oo gubanaya, markaas buu isago naxsan yiri, Allow maxaa sidaan igu gashay.

Habeenkii wuxuu seexday meel aan ka fogeyn Daashki gubtay .. Subixii ayaa wuxuu ku soo kacay qeylada Markab soo gaaray goobtii uu joogey... Ragii Markabka saarnaa ayaa soo badbaadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri: War niman-yahaw sidee ku ogaateen inaan joogo meeshaan, Waxey ugu jawaabeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney qiiq iyo holac hawada qabsaday, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u bahaan caawinaad ee ina keena. Sidii ayaan kuugu imaaney, kuguna soo badbaadinay.

 Fiiro Gaar ah: Hadaba ILAAHAY swt, wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan ka filaneynin ee waligaa ha ku deg degin inaad ka xumaato go'aankiisa .. Ninkaan wuxuu ka xanaaqey Daashkii laga gubey, balse ILAAHAY awooda leh waxuu Dabkaas ugu badalay, badbaado iyo isaga oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey Akhristow Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la'aan is dhiibno, lagana yaabo inuu ILAAHAY swt,  wanaag noo soo wado.

Sidoo kale waxaad ogaataa, Nabiyu LAAHI Yussuf cs, Dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis soo marsiiyeen, waxuu ugu badalay in uu noqdo, Waziirka Masar ..  ILAAH Weyn Sabarka Hanagu Arzuqo Aamiin Aamiin