Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Waa Baaris Cid Ka Daba Hadleyn .. Liiska Dawladaha Ugu Wahsiga Badan Dunida .. Somaliya Oo Kaalinta Afraad Gashay

Wednesday - September 20, 2023





Waxaa lasoo saaray liiska 30-ka dal ee ugu wehsida badan qaaradda Afrika oo idil, waxaana liiska meel wanaagsan uga jira dalkeenna Somalia.

30-ka Dal ee qiimayntan ku soo baxay ee qaaradda Afrika waxaa kaalinta 1-aad ka galay dalka Koonfurta Suudaan, waxaana kaalinta 2-aad ku jirta Eritrea iyo Jabuuti oo dhamaystiraysa 3-da kaalimood ee ugu sarreeya wehsida.

Yeel-keede, dalkeenna Somalia oo aan laftiisu dab yar aan shidaynin ayaa kaalinta 4-aad gashay .. sida la fahmi karo somaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu wehsida badan qaaradda Afrika, waloow ay jiraan dad badan oo Somalia u dhashay oo gudo iyo dibad dadaal sameeya, haddana waxaa ka tiro badan inta aan waxba soo saarin ee lagu tilmaamo caajisley

Wax soo saaris la’aantaasina waa midda Somalia ka dhigtay mid ka mid ah dalalka dunida ugu saboolsan oo ku dhowaad 85% ku tiirsan kaalmo caalami ah iyo gargaar aadminnimo.

Halkaan ka eego sida dawladaha kaalimaha caajisnimada u kala galeen 

1- South Sudan 2- Eritrea 3- Djibouti 4- Somalia -5 guinea 6- Liberia 7-South Afrika 8-8- Liberia 9- Guinea Bissau 10- Mozambique 11-Mauritania 12-Lesotho 13- Tanzania