Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Qisadi Khadar Iyo Nabi Muuse CS .. Muusow Soow Kuma Aanan Dhihin Kuma Samri-kartid La Socodkeyga

Tuesday - July 5, 2022



Nabi Khadar CS waxa uu noolaa xilligii Nabi Muuse Iyo Nabi Haaruun , waxaanu ahaa Nin Eebe ku manaystay cilmi iyo aqoon, magiciisa Khadar  waxa loogu bixiyey waxa la dhahaa meel kasta oo uu tago waxay noqon jirtay Akhdar (doog) sidaas awgeed baa loogu magac daray Khadar.

Nabi Khadar CS waa laysku khilaafaa Nabininmadiisa, culumada qaar baa aaminsan inuu ahaa Wali, balse waxa xoog badan inuu ahaa Nabi sababtoo ah waa loo wax-yoonayey. Qisadiisana waxa uu Eebe kaga warramay Suuratu  18aad ee Al-kahfi.

Maalin maalmaha ka mid ayaa Nabi Muuse CS isaga oo khud-badeynaya la waydiiyey yaa kaa cilmi badan Nabi Muusow, kadibna Muuse waxa uu yiri "Aniga ayaa idiinku cilmi badan" Kalmadaas ayaa Nabi Muuse CS Eebe ku canaantay, waxaanu ku yiri Muusow adoon ka mida adoomadayda ayaa kaa cilmi badan, Nabi Muuse CS gafkii kumuusan adkaysanine waxa uu Eebe waydiistay adoonka ka aqoonta badan, waxaanu Eebe ku yiri waa adoonkayga Nabi Khadar CS.

Nabi Muuse CS waxa uu jeclaysatay inuu aqoon ka raadsado adoonka wanaagsan ee Khadar, kadibna Eebe wuxuu u tilmaamay inuu Nabi Khadar CS ka helayo meesha ay labada Badood iska yimaadaan (ku kulmaan) waxaana la siiyey calaamad uu ku garanayo markuu gaaro goobtaas.

Calaamadu waxa weeye Kalluun uu Nabi Muuse ku sitay  kiish, Kallunkaasi marka la waayo ayuu helayaa Nabi Khadar CS.

Nabi Muuse CS waxa la socday wiil dhalinyaro ah waa Yuushac Ibnu Nuun oo isaguna Nabi Muuse kadib noqday Nabi. Kalluunkii waxa soo qaaday wiilkii Muuse ee Yuushac.

Nabi Muuse iyo Yuushac CS waxay raaceen doon (markab), kadibna waxa uu gaaray goobtii ay labada badood iskaga darsamayeen, kumanay baraarugsanayn inay goobtu tahay meeshii ay rabeen sababtoo ah way daalanaayeen, kadibna Nabi Muuse waa seexday dhagax dushii, intii uu hurday Nabi Muuse CS ayaa kalluunkii ka baxay Kiishkii galayna Badda.

Nabi Muuse CS waa ka kacay hurdadii waxayna sii wateen socodkii, balse markay mudo socdeen ayuu Nabi Muuse ku yiri Yuushac inoo soo saar cunto, safarka waxaan kala kulanay daal iyo baahiye (gaajo).

Yuushac waxa uu ku yiri Nabi Muuse ma xasuusataa goobtii aan ku degnay, halkaas buu kalluunkii ku baxsaday, waxaana i halmaansiiyey Shaydaan inaan kuu sheego .. Nabi Muuse CS inta uu farxay ayuu ku yiri Yuushac dib inoo celi, waa halkaynu u soconay goobtaasi, kadibna way noqdeen oo raaceen raadkoodii.

Markay goobtii yimaadeen ayey heleen Nin dhulka jiifa, hareertiisuna tahay doog (Akhdar). Nabi Muuse waa salaamay Khadar kadiban Nabi Khadar maradii inta uu iska  qaaday,  ayuu ka qaaday salaantii dhahyna saw ma tihid Muuse Ibnu Cimraan ee reer Banu Israel. Nabi Muuse waxa uu dhahay sidaad igu garatay, Nabi Khadarna waxa uu yiri waxa ii kaa sheegay Eebahay. Is waraysi kadib ayaa Nabi Muuse CS yiri waxaan doonayaa inaan ku raaco si aan wax u barto.

Nabi Khadar waxa uu yiri: Muusoow ma Xamilaysid mana sabraysid, oo sidaad ugu sabri ama u xamili wax aanad cilmi u lahayn! Muuse waxa uu yiri waad i hali (inshallah) mid ku samra oo kugumana caasiyayo arrinta .. Wuxuu yiri Nabi Khadar CS haddaad i raacdo hay waydiin waxba intaan kaaga sheegayo (warramayo) fasirkeeda .. Nabi Muuse iyo Nabi Khadar way baxeen, waxyna koreen doon (markab), markay doontii raaceen ayuu Yuushac ku noqday qoomkiisii, ayagana wax lacag ah lagama qaadin.

Siday doontii u soconaysay ayuu Nabi Khadar CS rujiyey mid ka mida looxaydii doonta, Nabi Muuse CS waa yaabay oo waa is hayn kari waayey, kadibna waxa uu yiri maxaad u daloolin doonta, ma waxad rabtaa inaad dadkeeda qarqiso (maansheyso) waxaad la timid arrin xun oo khalad ah.

Nabi Khadar CS waxa uu ku yiri miyaanan kugu dhihin adigu ma karaysid inaad samirto. Nabi Muuse CS waxa uu yiri ha ii qabanin waxaan hal-maamay hana igu mashaqayn arrinkayga si dhib ah.

Kadina way baxeen waxayna la kulmeen wiil yar, marakasuu Nabi Khadar CS dilay wiilkii, waxay arrintii ku noqotay Nabi Muuse la yaab waana is hayn kari waayey oo dhahay Kahadaroow ma waxaad dishay naf bari ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la inkiray .. Nabi khahadar waxa uu ku yiri Muuse, miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid inaad iraacdo ..Nabi Muuse CS waxa uu dhahay mar danbe hadaan ku waydiiyo su’aal hay la saaxiibin waxaad gaartay garawshiiyo xaggayga ahe.

Haddana way baxeen Muuse iyo Nabi Khadar CS waxayna gaareen magaalo dad xun dagan-yihiin, kadibna waxay waydiisteen dadkeeda cunto, wayna diideen inay marti galiyaan, kadibna waxay heleen Darbi soo dumaya, markaasuu Nabi Khadar CS habeenkii oo dhan dhisayey, si uu u joojiyo darbiga soo dumaya .. Nabi Muuse CS waa yaabay oo waxa uu dhahay, maxaa kugu kallifay inad darbiga dhisto, sidoo kale magaaladan inamay martigalin ee waxaad darbi dhiska ka yeelan lahayd ujuuro ama mushahar .. Nabi Nabi Khadar CS waxa uu dhahay kan waa kala tagii dhexdeena, waxaanan kaaga warrami fasirraadii wixii aanad karayn inaad ku samirto.

Nabi Khadar CS waxa uu gudo galay inuu u fasiro dhacdooyinkii la yaabka lahaa ee uu arkay Nabi Muuse iyo sabati ku kaliftay inu sidaas wax yeelo .. Ugu dambeyn Nabi Muuse waa ku qancay sababihi keenay in Nabi Khadar sidaas yeelo

Ilaahay haynagu anfaco qisadan aadka u macaan, haynaga yeelo kuwii wax ku qaata .. Hanaga ilaawina ducadiinana, Eebe haydin barakeeyo. Mahadsanidin.