Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 January 2025

Xikmad Weyn .. Weligaa Nin Jecleysi Iyo Xoolo Jaceyl Gabadhaada Ha Ku Bixin Ee Nin Walba iyo Kartidisa Ku Bixi .. Askari Ha La Saaxiibin .. Wacal Ha Korin .. Sirta Qaarkeed Ha Uga Waramin Jaceyl-kaaga

Monday - June 14, 2021



Waxaa La yiri nin baa wuxuu qabay Xaas waxey aheyd mid uu jeclaa, waxeeyna daganaayeen magaalo uu xukumo Boqor aan naxariis laheeyn .. Islaantii baa Uur qaaday walacdayna, waxeeyna ninkeedi ku tiri: waxaan ku walacay Coowl uu leeyahay Boqorka Magaalada, oo hadii aanan helin laga yaabee in ay ilmaha banaanka yimaadaan.

Ninkii ayaa baxay oo soo xaday Cowshii Boqorka. wuxuuna xaaskiisii u keenay hilibki Cawsha aad u macaan .. Islaantii baa dariska u qeeybisay xoogaa hilib ah ayadoo qof walba u sheegtay in ay ku walacday Cowsha Boqorka, ninkeedana baari uu yahay una keenay Cowshii Boqorka.

Warkii ayaa gaaray Boqorkii, waxaana la amray in la soo xero, Xabsiga ayaana loo taxaabay balse nasiib wanaag wuu fakaday waxaase markiiba soo qabtay nin aad u orod badnaa oo meesha joogay.

Ninki oo la soo qabtay ayaa Boqokii loo keenay wuxuuna ninkii ku amray in uu bixiyo 100 Geela ama uu naftiisa ku weeyn doono .. Ninkii ayaa codsaday muddo cayiman in la siiyo si u Geelaas u keeno, Boqorkiina wuu aqbalay.

Odayga wuxuu lahaa Laba Gabdhood mid waxaa qabay Nin leh tiro 400 geel iyo ka badan , midna waxaa qabay nin faqiir ah .. Odaygii ayaa ku fikiray in uu aado wiilka hantida iyo Geela badan leh, wuxuuna u sheegay in la dili rabo, lagana doonayo 100 Geel ah, ninkii ayaa odaygii siiyay hal Geel ah wuxuuna yiri: Adeer waxaan kuu awoodaa Hashaan geela ah ee iska raali ahaaw .. Odaygii ayaa yiri: Maalin hebel neefka Geela iyo buurta heblaayo iigu keen halkaas ayaan boqorkii kula balan sanahaye,

Odaygii ayaa u dhaqaaqay dhankii wiilkii kale, ee gabadhisa qabay ee faqiirka ahaa, habeen buu u hoyday, habeenkaasi waxaa guriga yiilay oo qura Digir (Cambuulo ) waana loo kariyay balse ma’aysan laheyn wax iidaan ah wuuna iska liq-liqay .. wiilkii ayuuna u dan sheegtay ugana waramay wixii dhacay Wiilkii baa yiri: Adeer iska bax bari anigoo Tol leh baan kuu imaan ama anigoo tol-waayey .. odaygii wuu iska baxay. Wiilkiina wuxuu aaday tolkiisa asagoo uga war bixiyay sida ay wax ugu dhaceen odayga Sodogiis, Waxeyna isla markiiba u qaaraameen 99 Geel ah.

Maalintii balanta ayaa la gaaray qof kasta wuu soo caraabay oo waxaa leysugu ymid Buurtii lagu balamay aroortii hore, waxaa soo hormaray wiilkii gabadhisa qabay ee hasha Geela balan qaaday,Waxaa ku soo xigsaday kii kale ee faqiirka ahaa oo wada 99 Geela, meesha waxaa kaloo jooga askarigiri ay ahaayeen saaxibbo Lilaahi, waxaa kaloo jooga Wiil uu soo koriyay balse ahaa wacal’ "GARAC" Xaaskiisina weey joogtaa.

Ugu dambeyn, waxaa la soo taam yeelay Geelii, odaygii ayaa yimid asagoo wada Cawshii uu boqorka lahaa .. Qof kasta indhaha ayeey taagtay oo mid naxa iyo mid yaaba ayuu noqday’ Boqorkii ayaa su'aalay oo yiri: War hoogee arinkaan maxaa kuugu qasbay?

Odaygii baa yiri: waxaa horay ila dardaarmay Aabaheey wuxuuna i yiri: Naagtaada ha u sir waramin, hadii aad u sir warantana ha ka xanaaqin .. Xaaskeyga ayaa ku walacday Cowshada, ayadoo mooday in aan Cowsha u soo bireeyay ayeey diriska ugu sheekeeysay in Cowsha Boqorka ka maqan aniga aan soo xaday .. Aabo,wuxuu kalo i yiri : Askari ha la saaxibin hadii aad la saaxibtana amarkiisa qaado .. Askarigaan isoo xiray waa saaxibkeyga aan jecelahay balse ima ixtiraamin sida aan u ixtiraamay.

Kan aad u jeedaan waa wiil aan anigu soo korshay balse aabahey ayaa i yiri: Wacal ha korin ixsaan ka sugi-meyside. Oo waa anigii markaan xabsiga ka baxsaday isagi-Wacalki ayaa isoo qabtay.

Labadaan wiil aad u jeedaan mid waa hantiile, midna waa Faqiir. labaduna gabdhahayga ayey qabaan,
Kan hantiilaha ah wuxuu i siiyay hal Geel ah, Kan faqiirka ahna wuxuu isiiyay 99 geela ah.
Balse aabahey ayaa i yiri: waligaa nin jecleeysi iyo xoolo jecel gabadhaada ha ku bixin ee nin walba iyo kartidiisa ku bixi .. Maanta waxaa meeshaan yaala waa 100 Geela waxaana siiyay kan faqiirka ah.